Somaliland; Weftiga Ururka IGAD Ka Socday Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa + SAWIRRO

0
943

igad 23HARGEYSA ,(HargeisaPress) — Weftiga Urur Goboleedka Igad ka socday ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.Madaxweynaha iyo IGAD  ayaa ka wada hadlay waxyaabaha labada dhinac ka wada shaqayn karayaan ka dib mudo Weftiga IGAD uu ku sugnaa Somaliland.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sharaxaad ka bixiyay Kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga IGAD  ayaa sheegay in Safiirka IGAD ee Somaliland iyo Somalia uu la kulmay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sii uu warbixin uga siiyo socdaalkiisa iyo kulamadii uu la qaatay wasaaraddaha xidhiidhku ka dhexeeyo“Socdaalka IGAD waxa uu ahaa sidii ay u Qiimayn lahaayeen Xaqiiqada Somaliland taala. Waanu soo dhaweynaynaa IGAD, waxaanu uga mahadcelinaynaa Wax tarkooda, waxaanuna jecelahay in Cilaaqaadka Somaliland iyo IGAD aanu sii kordhino” ayuu yidhi Wasiir Biixi

igad54

Safiirka Somaliland iyo Somalia u qaabilsan IGAD Maxamed Cabdi Afey, oo hogaaminayay Weftiga ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu tageen sidii ay u soo salaami lahaayeen islamarkaana isku xog waraysan lahaayeen“Horena waxa uu Ururka IGAD Ugu hawlanaa wax la qabashada Shacabka Somaliland, idinkood Ogsoon inaanu mudaba maalgalin ku samaynaynay Iskuulka Sheekh(Qaybta Xanaanada Xoolaha). Iskuulkaasi oo dhamaan Gobolka ANfacaya, shalayna aanu Bookhasho ku tagnay oo aanu soo eegnay Hawlihiisa, Berberana aanu soo maray, waanuna ku faraxsanahay runtii inaanu mudo joognay caasimada. Waxaanu Samaynay Xog urursi ku saabsan waxyaabaha aanu Somaliland shacabkeeda kala shaqayn karayno” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Afey.

igad 32

Weftiga IGAD oo Maalmihii u dambeeyay Somaliland ku sugnaa ayaa kulamo la qaatay qaybo ka mid ah wasiirada Somaliland, Madaxda Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay Xukumadda kala shaqaynayaan Doorashooyinka soo socda iyo dhinaca Caafimaadka. Weftigan oo markii u horaysay Somaliland yimid waxaa Martiqaaday Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here