Somaliland waxay u sheegtay Dawladda Ethiopia inay diyaar u tahay dhoofinta gaasta iyo saliida laga soo saarayo Dawlad deegaanka somalida ethopia.

0
1241

Hargaysa(Hargeisapress) Somaliland waxay u sheegtay Dawladda Ethiopia inay diyaar u tahay dhoofinta gaasta iyo saliida laga soo saarayo Dawlad deegaanka somalida ethopia warbixintan waxaa lagu qoray warbaahinta caalamiga ah gaar ahaan mareegta  www.Bloomberg.com waxaa qoray suxufiga la yidhaa  

 

Dawladda Somaliland waxay qayb ka noqon doonta tartanka dhaqaale ee geeska ka bilaabmay gaar ahaan Dekadda berbera oo shirkadda wayn ee DPWORLD maalgashatay, arimahaas ayaa wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland mar wax laga waydiiyay, saliida iyo gaasta laga soo saarayo DDS ma ku tartami doontaa dhoofida saliidaas ayaa wuxuu ku jawaaba:-

“Why not send natural gas and crude oil from Somali state basin to Somaliland’s coast at Berbera?” Somaliland Minister of Energy and Minerals Jama Mohamoud Igel said in an interview, referring to the region’s main port. Such a pipeline would be more “cost-effective” at only 400 kilometers (249 miles), rather than the 700 kilometers to Djibouti, he said

Wasiirka Macdanta iyo tamarta somaliland Jama mahamuud ayaa wuxuu fasiraad kooban ku sheegay in somaliland diyaar u tahay dhoofinta Gaasta iyo saliida laga soo saari doono DDS waxaanu yidhi ” haa dabcan diyaar ayaan u nahay inaan dhoofino” isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dhuumaha noocan oo kale ah waxay noqon doonaan “mid ka kharash yar kan jabuuti ” somaliland waxay u jirtaa oo kaliya 400 oo kilomitir (249 mayl), halkii uu kan jabuutina ujiro 700 kiiloomitir  ayuu yiri “.

sii akhri lifaaqan ama link-ga warbixinta laga qoray mawduucan

https://www.bloomberg.com/news/articles/2018-10-28/breakaway-somaliland-offers-ethiopia-a-surrogate-energy-pipeline?fbclid=IwAR0tIoTT8Vpwh45_okyoloqxUTZEtC59QzamqSz6AC0yY7POsaVpQJOxTRg

Diyaariye: Ahmedyasin sh Omar Sh Ahmed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here