Somaliland Waxay Jabisay Darbigii Ka Hortaagnaa Maal-Qabeenada Khaliijka Carabta!

0
1186

HARGEISA —Jamhuuriyadda Somaliland, 27 Sannadood kadib markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii waxay ku guulaysatay inay abuurto jawi soo jiidanaya maalgashiga caalamiga ah, waxaanay jabisay gidaarkii birta ahaa ee ka hortaagnaa maalqabeennada Khaliijka carabta.

Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyadda ganacsiga xorta ah iyo baahida loo qabo in maalgashi caalami ah dalka loo raadiyo, waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo suurtogal ka dhigay in shirkadda horumarinta dekedaha ee DP World u soo hilowdo oo 442 Milyan oo doolar ku aaminto inay geliso casriyeynta dekedda Berbera oo mustaqbalka ku taamaysa inay noqoto xuddunta ganacsi ee isku xidha dalalka mandaqada geeska Afrika.

Sidoo kale waxa 1-dii bishan ay Somaliland dalka Imaaraadka carabta kula saxeexatay shirkadda DP World heshiis lagu fulinayo aagga cashuuraha ka caagan ee loo yaqaano [Free Zone], kaasi oo fure u noqon doona in baddeecadaha u kala gooshaya caalamka la sii mariyo marsada Berbera. Waxayna mashruuca Maalgelinta dekedda Berbera wax ka tarayaa shaqo la’aanta ka jirta Somaliland.

Waxa muuqata ifafaale yididiilo leh oo la xidhiidha mustaqbalka togan ee Somaliland beegsanayso, marka ay ficil u beddesho riyadeeda la xidhiidha inay fureyaal waaweyn u hesho quluubta maalqabeenada khaliijka carabta oo uu Somaliland ka dhexeeyo cilaaqaad iyo wax wada qabsi ganacsi oo soo jireen ahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Imaaraadka carabta, waxa lagu soo dhaweeyey meeqaam aad u sareeya oo ka turjumaya in dawladda Imaaraadka carabtu ay u jeellan tahay inay wax la qabsato Somaliland oo ah geyi nabdoon oo dawladnimo iyo dimuqraadiyad sal adagi ka tisqaaday.

Waxa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi fursad loo siiyay inuu kala xaajoodo mashaariic horumarineed iyo ganacsi oo dhex mara Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo noqday labada dawladood oo xulafo ku ah maalgashiga dekedda Berbera.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxa la gaadhay xiligii dawladda Somaliland ay sii xoojin lahayd siyaasadeeda la xidhiidha soo jiidashada maalgashadeyaasha shisheeye, iyadoo lagu baraarugay in dawladaha iyo shirkadaha waaweyn oo maalgashada Somaliland tahay aqoonsi dadban oo aynu ku gaadhi doono aqoonsiga weyn ee aynu kaga mid noqonayno golayaasha caalamka.

WAXA SOO DIYAARISAY FAALADDA WARKA WAKAALLADA WARARKA EE SOLNA.

LEAVE A REPLY