Somaliland: Wasiirka Macdanta Oo Jawaabay Kulul Ka Bixiyay Eedaymo Ay Xisbiga UCID U Soo Jeediyeen

0
1341

Ministers_pictureHargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa iska fogeeyey eedo musuqmaasuq kuwaasi oo uu usoo jeediyey Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,waxaan uu sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay in uu isaga oo adeegsanaaya awoodiisa uu ruqsad u siiyey shirkad macdaneed in ay dalka macdan ka gurato,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ahayd shirkad markii hore lacagtii cashuurta ku soo bixisay Wasaarada Maaliyada Somaliland,sida oo kalena ay leeyihiin niman muwaadiniin ah oo buuxiyey shuruudiihii looga baahnaa,waxaana uu tibaaxay in aanay waxba ka jirin uu ka wasiir ahaan uu ka qaaday wax xaqul qalin ah.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa sidan ka sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bogiisa uu ku leeyahay facebooga,waxaana uu udhignaa sida tan:

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Jamahuuriyadda Somaliland Waxay Halkan jawaab kaga bixinaysaa eedaymo been abuur ah oo uga yimid Xibiga UCID oo la xidhiidha Macdan Dalka si Xalal ah uga baxday , Oo Xisbigu sheegay in Amar wasiirku siiyey Maayirka iyo Badhsaabka Gobalka Saaxil.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Warqada ay ku shegeen Musuqa Saxeexay 28-12-2013 taaso Aheyd Ogolaansho wasiirku u fidiyey Muwaadin reer Somaliland ah oo dalka kaga shaqeysta Baadhista macdanta ,ka dib markii uu soo buuxiyey shuruudihi looga baahna iyo Bixinta Cashuurta Wasaaradda Maaliyada oo ka soo qaatay, voucher kii uu ku bixiyey oo Numberkeedu ahaa 26-12-2013 No 847713 .

Hadaan Qodob, Qodob Uga jawaabno Hadaladdi aan Xikmadda laheyn ee ka soo yeedhay Nin Ku hadlayey afka xisbiga Ucid oo Aan Aqoon u lahey Waxaa UU Ka Hadlaayo .Waxaa u masuulkan Marka kowaad-ba uu Qalday Magaca Wasaaradda oo uu ku sheegay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ,Taas oo u haysto wali in ay hal wasaaraddood isku yihiin . Waxaa uu Magaca shirkadda ka been abuuray kuna tilmaamay shirkad aan jirin balse waa shirkadda waraaqadda ku qoran Somaliland Gemstones Mineral Co. waxaa iska leh nin Muwaadin ah Kaaso Dalka ku soo kordhiyey Fursadda Camal ,waxaan la mid yahay dadka somalilanderka ah ee Xadiga Macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaaradda si loogu cashuuro ogalaanshana loo siiyo .

Waxaa ninka ucid u hadleyay tibaaxay in Wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey ,Maayirka Gobalka Saaxil iyo Badhsaabka ,warqadan Waxaa ku Xardhan inay ku socoto Kastamka Berbera Ogaanshana loo raaciyey Maayirka iyo Badhasaabka ,aqoonla`aanta Haysta cida matalaysa xisbigu waa wax la’la yaabo . Xisbiga Ucid waxa uu kala garan waayay cashuurta ku waajibka ah Muwaadinka iyo Xaqul qalinka Heshiiska Shirkadaha Ajaanibka ,waxaaney yidhaahdeen Xaqil qalinka Macdantan wasiirku meel uu geeyey iyo cid ka xisaabisay garan mayno, Ogsoonow oo Cashuurta waxaa lagu soo shubay Wasaaradda Maaliyadda Taarikhadda 26-12-2013 No 847713 Cashuurteenu waxay aheyd 8082$ .

Xisbiga Ucid ayaa caadeystay cayda iyo aflagaadada Masuuliyanta Qaranka isagoo marwalba isku qaado arrin aan looga fadhiyen cadeynteeda iyo Document-ga aaney hadalkeeda daa . ( ka fiirso intaanad falin) fagaarayaasha Codbaahintana waxay u noqdeen Goob Gola ka fuul oo waxii ku soo dhacaba ay kaga Hadaaqaan . Waxaa ceeb iyo anshax darro ku ah xisbiga Ucid iney afkooda ku hadlaan shaqsiyaad aan aqoon iyo cilmi toona u laheyn arimaha macdanta, diyaar garwogooduna uu liito.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here