Somaliland: Wasiir Cabdillaahi Abokor oo Qiray inay ka Gaabiyeen Dayac-tirka Biriijka Isku Xidha Berbera iyo Burco

0
1368

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa caddeeyey in la dhisi doono biriijka weyn ee ku yaal jidka u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, kaasoo dhaawac soo gaadhay uu sababay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Biriijkan khasaaruhu gaadhay oo ah biriijka ugu dheer dalka Somaliland, isla markaana muhiim u ah isku xidhka gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland, waxa ka samaysay dal-daloolo iyo burbur ku yimi qaybo ka mid ah dushiisa sare, kuwaasoo sababay in gaadiid badan ku dhaceen, iyadoo shilkii u dambeeyey uu halkaas ka dhacay toddobaadkii hore, kadib markii baabuur booyad ah oo shidaal siday uu ka dhacay biriijkaas, waxaanna shilkaas ku geeriyooday laba qof.

Hasayeeshee, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo masuuliyiin kale oo kormeer ku tegay biriijkaas shalay, ayaa ugu horayn qiray in ay Wasaarad ahaan ka gaabiyaan in biriijkan dayac-tir lagu sameeyo isla markii burburku soo gaadhayba, waxa uu haddana ballanqaaday in xiligan wax laga qaban doono xaaladda biriijka.

              Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan

“Waxa aannu jecelnahay anaga oo qirayna intaas aannu ka gaabinay, laakiin haddana waxa aannu markiiba ka fal-celinay in meeshan wax laga qabto. Masuuliyadduna maaha in qofku (masuulku) yahay mid dhinac walba ka dhammaystiran mar walba oo bani’aadamku khalad way sameeyaan, laakiin duruufta nagu dhacday waxa ay ahayd, waxa aannu ka daalnay biriijkan oo markasta u baahday dayac-tir joogto ah, qorshuhuna waxa uu ahaa in aannu shanta biriij ee u dhexeeya Berbera iyo Burco in isla mar qudha shaqo laga qabto bishan March (ee 2019) oo ah mashruuca horumarinta Somaliland, waxaanna naga go’aan ah in hawshan mar qudha la wada qabto,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu hadda ugu bushaaraynaynaa ummadda reer Somaliland guud ahaan in hawshaasi ay soo dhammaatay, Insha Allaah bisha March ee sannadkan 2019 aannu rajaynayno in aannu bilawno biriijyadaas oo lacagta lagu maalgelinayo ay uga iman doonto Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in la bilaabi doono dhismaha biriijyo lagaga gudbo dooxyada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ee bulshadu dhibaatooyinka kala kulanto xili-roobaadyada.

“Labadaas doox, waxa iyagana laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dabai Development fund (Sanduuqa Horumarinta ee magaalada Abu Dhabi), waxaanan rajaynaynaa in la dhiso sannadkan lagu jiro ee 2019, haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here