Somaliland: Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Xabsiga Dhigtay Muwaadin Damcay Inuu Marlabaad Qaato Card-Ka Diwaan Galinta + SAWIRRO

0
833

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Wasraadara Arrimaha Gudaha Qaybteeda Diwaan Galinta  Madaniga Ah  waxa ay  saaka Xabsiga U Taxaabtay  Muwaadin  Cabdixakiin Jaamac Maxamed Abokor  oo  doonayey  inuu  marlabaad iska  diwaan galiyo  Xarunta wasaarada isaga oo hore  iskaga diwaan  Galiyey  Magaalada Burco  Xarrunta Gobolka Togdheer.

 

Muwaadinka Ayaa  Sever-ka Diwaangalinta Madaniga ah  ee Wasaaradu  Soo  qabtay  Kadib  markuu  damcay  inuu  marlabaad qaato  Card-ka oo  uu magic kale ku qaadanaayey  waxaana  Muwaadinkan  oo  warbixintiisu  hoos ku  caday maanta loo  taxaabay  Xabsiga  Dhexe Ee Magaalada Hargaysa.

 

Amarka Xadhigan Ayaa waxaa Bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha

760a40f028725d1cec28fde2d8311217_L - Copy

Sidaa Darteed Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland   Waxay  uga digaysaa bulshada   ku  Dhaqan   dalka inay  laba jeer  qaataan  Card-ka  Muwaadinka  taasi oo ay  kala  kulmi  doonaan  cawaaqib  Xumo  kuna mutaysan doonaan Xadhig Dheer.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here