Somaliland: Wariyeyaal Ruug Cadaa ah Oo Naqdiyay Socdaalkii Madaxweynaha Puntland Ku Yimid Badhan

0
898

Hargeysa,(HargeisaPress)- Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar iyo Cabdillaahi Aadan Cumar Wayab oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee reer Somaliland ayaa naqdiyay imaatinkii Cabdiweli Gaas madaxweynaha maamulka Puntland uu ku yimi degmadda Badhan ee gobolka Badhan.

Waxaanay socdaalka Cabdiweli Gaas ku macneeyeen in uu cimri dherer ka dhiganayay iyo in uu doonayay in uu rido dagaal, si uu muddo kordhin dhanka xilkiisa ah loogu sameeyo oo uu meesha uga saaro indeegaanada uu ka taliyo ay doorasho ka dhacdo.

Saxafiyiintan oo maanta  shir jaraa’id  ku qabtay  magaalada Hargeysa, waxaa kaloo ay suxufiyiintu sheegeen in Somaliland ay tahay dawladdaha wax laga waydiiyo arrimaha mandaqada geeska Afrika.

Wariye Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka socdaalka Cabdiweli Gaas ee Badhan.  Waxaanu  yidhi  “Imaanka madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu ku yimi magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan waxaa ay ku fadhiday saddex qodob oo waaweyn.

Haddii  Somaliland tallaabaddaasi ay qaadana saddexdaa qodob ayaa hirgeli lahaa,Somalilandna way la socotay saddexdaa qodob inaanay hirgalina way ku talo gashay.

Cabdiweli Gaas waxaa uu doonayay inuu dagaal ka dhex rido Somaliland gudaheeda, oo magaalo Somaliland ku taalla lagu dagaalamo.

Waxaa  uu rabay inuu dadweynaha reer Badhaneed yidhaahdo waxaan idiin waday horumar, oo Somaliland ayaan idin ogoleyn.  Somaliland na wax kasta oo u soo kordhaya bulshoweynte reer Badhaneed way ku faraxsan tahay”.

“Ta  kale waxaa uu doonayay marka goobtaasi dagaal ka dhaco in doorashada muddo kordhin loogu sameeyo oo uu quus ka joogo.

Somaliland way ka kortay in leyska qiyaasto oo la yidhaaho waxaasi ayaanu dooneynaa sidaasi ayaanu yeeleynaa, deetana faa’iidadaasi ayay inoo dhaleysaa Somaliland masuuliyadd iyo dulqaad ku filan ayay muujisay.

Mandaqadan geeska Afrika quwadaha ka taliya ayay Somaliland ka mid tahay, ee wax laga weydiiyo awoodana ILLAAHAY waxaa uu siiyaa ciddii hanan kareysa, Cabdiweli Gaas waxaa uu qaxoonti ku yimid Badhan waayo waxaa joogey Cabdiraxmaan Faroole Qardhana muu tagi kareyn oo nin ka miisaan weyn ayaa joogey sidaasi ayaanu shirka golaha wasiiradda ugu qabsadday Badhan” ayuu yidhi weriye Xagar.

Sidoo kale Cabdillaahi Cumar oo ku magac dheer  Wayaab oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in aanu Cabdiweli Gardaradda joojineyn inta ay Soomaaliya dabadda ka soo riixeyso.

Waxaanu  yidhi “Somaliland mar walba waxaa ay ilaalisa mandaqadan amaankeeda iyo sidii ay dadku nabadgeliyo ugu wada noolaan lahaayeen hase ahaate inta Cabdiweli meesha yimid oo ka tirsan maamulka Soomaaliya, oo dabadana ay ka riixeyso Soomaaliya ma joojiyo gardarooyinka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here