Somaliland: Warfaafinta Oo Hirgelisay Sanduuq Dhaqaale Oo Lagu Kaalmaynayo Hawl-waddeennada

0
1033

wasiirka-warfaafintaHargeysa,(HargeisaPress) — Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa shir balaadhan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda kala qayb galay guud ahaan shaqaale weynaha wasaaraddaas, shirkaas oo ku saabsanaa qaybinta iyo hirgelinta kaadhadh cusub oo aqoonsi oo loo sameeyay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo shaacinta sanduuq dhaqaale oo loogu talo galay kaalmaynta shaqaalaha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shirkaas ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidada kaadhka aqoonsigu u leeyahay shaqaalaha iyo doorka oo uu sanduuqa dhaqaale ee la furay uu ka gaysan doono, hawlaha ka duwan ee lasoo dersada hawl-wadeennada wasaaradda.

Ugu horeyn Wasiirku waxa uu amaan ujeediyay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo hanaankooda shaqo, waxaanu yidhi.

“Dhamaan shaqaalaha wasaaradda muddadan oo sannadku kala badh marayo waxaan ku amaanayaa dedaal badan oo ay sameeyeen in badan oo iyaga ka mid ahi iyo xil-gudasho wanaagsan oo ka muuqatay dhinaca wasaaradda marka ay noqoto fanaaniinta oo aan ku amaanayo munaasibaddihii 18 may iyo 26 june kaalintii ay ka qaateen.

Waxa kale oo aan amaanayaa waaxda farsamadda ee wasaaradda warfaafinta qaybaheeda kala duwan oo dhan waxay qabtaan shaqo muhiim ah, xilliyo muhiim ah. Sidoo kale waxaan amaan ujeedinayaa wargeyska Dawan oo horumar laxaadle sameeyay, waxaan ku amaanayaa marka goobta jaraa’idka lagu iibiyo waxaad arkaysaa inuu kasoo yara iftiimayo, wuxuu noqday wargeyska aad kala soo dhex baxayso oo aad muuqaalkiisa ku iibsanayso. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa idaacada raadyaw Hargeysa, wargeyska Dawan iyo Telefishanka qaranku waa meelo warbaahineed oo tayadeena iyo tayo darradeena laga arkayo, waxay u baahan yihiin laba shay, waxaynu nahay umad dawladnimana waynu doonaynaa, dawladnimaduna rukumadda ay ku dhisan tahay waxa kuwa ugu muhiimsan ka mid ah cashuur la bixiyo oo khasnada dawladda lacagi kusoo dhacdo, si lacagtaas loogu fulliyo adeega ay bulshadu u baahan tahay iyo horumarka waddanka, waxaynu ubaahanahay, maadaama aynu nahay wasaarad la masruufo waxa inagu waajib noqotay in kharashka badan ee inagu baxa aynu wuxuun kasoo celino.”

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu mahad-naq ujeediyay cidkasta oo lahayd fikirka samaynta sanduuqa dhaqaale ee wasaaraddu yeelanayso. “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa agaasimaha wasaaradda warfaafinta iyo raga la mid ah ee xambaarsanaa fikradda ah in la sameeyo sanduuq ay leeyihiin guud ahaan shaqaalaha wasaaraddu, fikraddan waynu taageeraynaa, annagana culays weyn bay naga furanaysaa idinkuna (shaqaalaha wasaaradda) rag hagbad kuwada jira ayaad noqonaysaan oo waxbaad is-tararaysaan.”

Wasiirka wasaaradda warfaafintu waxa si qoto dheer uga hadlay kaadhka cusub ee aqoonsiga ee la siiyay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda iyo doorka uu ku yeelan doono, dhinaca amniga iyo aqoonsiga hawl-wadeennada wasaaradda, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya. “Kaadhkan wuxuu muhiim u yahay, dhinaca amniga iyo dhinaca aqoonsiga, waxaan idiin sheegayaa intiina maanta kaadhka qaadatay, kaadhkaas ayuu qof weliba mushaharka ku qaadan doonaan, xeradana ay kusoo geli doonaan, inta aan qaadan waxay masuuliyiinta wsaaraddu ay aan isleeyahay maydaan arkin oo idinka laftiina ayaa garan waayi doona, kaadhadhkan aynu bixinaynaa maaha inaga oo keliya waxaynu doonaynaa inaynu ka caawino oo ururrada saxaafadda ee madaxbanaan iyo wasaaraddu iska kaashadaan oo saxaafadda madaxabanaanina qaadato kaadhadh noocan oo kale ah, ujeedaduna waxa weeye waynu ognahay xaaladda aynu ku noolnahay iyo duruufta geeska Afrika ka taagan, markaa ninka masuulka ah ee shir jaraa’id qabtaa wuxuu u baahan yahay todobaatanka dhalinyarada ah ee u imanayaa inay yihiin kuwa lagu kalsoon yahay.”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa isaguna sheegay in kaadhadhka loo qaybiyay shaqaalaha wasaaraddu ay wax badan ka tari doonaan dhinaca aqoonsiga shaqaalaha wasaaradda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan ayaa isaguna ku dheeraaday ujeedada loo sameeyay sanduuqa dhaqaale ee ay yeelan doonaan guud ahaan shaqaale weynaha wasaaradda warfaafintu, isla markaana wax ka tari doona culaysyada bulsheed ee ku yimaada qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

MaareeyahaTelesfishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa isaguna tilmaamay faa’iidada la xidhiidha dhinaca amniga ee uu soo kordhin doonaan khaadhadhka cusub ee la siiyay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Ugu dambayna waxa halkaas loogu qaybiyay shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland kaadhadhkoodii aqoonsiga.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

https://www.facebook.com/hargeisaPress

https://twitter.com/HargeisaP

 

 

LEAVE A REPLY