Somaliland: Wadaad laga Mamnuucay inuu Masaajidada ka jeediyo Khudbado iyo Casharada Diiniga ah

0
799

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed ayaa soo saaray qoraal uu kaga mamnuucayo Sheekh Aadan Sunne inuu masaajidda Hargeysa ka jeediyo Khudbado iyo Casharro Diini ah.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku socodsiiyey Hay’adda Islaamiga ah Al-Hudda oo masaajidda ay dhistay wadaadkani khudbaddo ka jeediyo, taas oo amar ku siisay inaanay masaajida ay mas’uulka ka yihiin u ogolaan khudbaddo diini ah ka jeedin Karin.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo saaray wareegto uu Sheekh Aadan Sune kaga mamnuucay khudbaha iyo casharada uu ka bixiyo qaar ka mid ah masaajidada magaalada Hargeysa.

“Aniga oo tixraacaya masuuliyada naadirnimo ee idinka saaran masaajidada aad dhisteen ee aad gacanta ku haysaan oo ah goobo cibaado loogu tala galay iyo in lagu wacyi geliyo bulshada muslimka ah ee dalkeena loona baahan yahay in si degan oo naxariis leh loogu baraarujiyo khudbadaha, lana ilaaliyo asluubta fiican iyo dhaqanka muslimiinta oo ah in laysku wado bulshada lana dhawro midnimada iyo nabad galyada umada, iyada oo lagu cadaynayo waxa ay diintu ina fartay loona raacayo adaabta sharciga ah ee wanaag farista iyo xumaan reebista waxa idinku waajib ah inaad la socotaan hadba culimada ka hawl gala oo aad hagtaan.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil.

Waxaanu intaas ku daray“Waxaan halkan idinku farayaa inaad ka joojisaan Sheekh Aadan Cabdi Warsame khudbadaha iyo casharada uu ka bixiyo masaajidka aad ka masuulka tihiin ilaa amar danbe, sidoo kale culimada ka hawl gali doonta waa inaad nala soo socodsiisaan wasaarad ahaan.”

Wadaadkan masaajidadda laga mamnuucay ayaaan muddo bil ku dhow ku xidhnaa magaaladda Hargeysa, isla markaana dhowaan xoriyadiisii loo soo celiyey, haseyeeshee wadaadkan Aadan Sunne ayaa ka mid ah culimadda hadaladda cad-cad ee aan ka gaban wixii xumaan ah ee jira, isla markaana masaajidadka ka jeediya muxaadarooyin uu ku dhaliilayo masuuliyiinta qaar, isagoo inta badan diiradda hadba wixii khaladaad ah ee u muuqda.

Waa wadaadkiii ugu horeeyey ee laga mamnuuco inuu masaajidadda khudbaddo diiniya ka jeediyo, iyadoo talaabadani noqonayso mid ku cusub guud ahaan Somaliland, haseyeeshee xukuumadda illaa hadda kama hadal dambiga uu galay iyo sababta looga mamnuucay masaajidadda .

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here