Somaliland: Taliye Ku-xigeenka Booliska oo Abwaan Laabsaalax eedayn kulul iyo Hanjabaad u jeediyey

0
1249

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa eedayn cusub u jeediyey Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), kaas oo ka hadlay Barnaamij Faneed ay si gaar ah TV-yada qaar ugu duubayeen Fannaaniinta Xiddigaha Geesku 1-dii bisha koowaad ee sannadkan 2019-ka oo ay Boolisku joojiyeen Barnaamijkaas oo socda iyo Huteelka Beerta Libaaxyada oo isagana xayiraad lagu soo rogay lixda habeennimo wixii ka dambeeya.

Waxa uu Sarreeye Gaas Fooxle oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa oo ka warbixiyey xashiishad uu sheegay inay Boolisku soo qabteen, eedeeyey Abwaan Laabsaalax iyo Weriyaha TV-ga BBC-da qaybta Soomaaliga Farxaan Jimcaale oo waraystay Laabsaal, waxaanu Laabsaal ku eedeeyey inuu yahay nin wax u gaar ah daydaya.

Haddaba, Hadalka Taliye Cabdiraxmaan Fooxle iyo siduu u dhigay-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here