Somaliland: Taliska Ciidanka Boliska Oo Ka Hadlay Habka ay Ammaanka u sugayaan Maalmaha Ciidda

0
1245
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan

Hargeysa,(HargeisaPress) — Taliska Ciidanka Boliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Ka Hadlay Habka ay ciidanka ahaan ugu diyaar garoobeen sugidda ammaanka shacabka inta lagu Gudo jiro Ciiddul Fidriga oo lagu wado inay noqoto labada Maalmood ee Foodda inagu soo haya midkood.

Taliye Fadal oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa  gebi ahaanba farriin cad u diray Ciidamada nabadgelyada waddooyinka, isagoo faray inay tallaabo muuqata ka qaataan Dirawallada maalmahaas ku xad-gudba Habka waddo marista, isla-markaana aan ixtiraamin shacaka gudanaya waajibaadka Ciidda.

“waxa fooda inagu soo haysa ciidul fidrigii,waxaana daba yaaqo ah bishi ramadaan,waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu nabad qab iyo wanaag inoogu dhameeyo,intaas markaan kasoo gudbo,ciidanka jamuuriyada somaliland waxa uu dhamaan heegan buuxa ugu jiraa ilaalinta nabad galyada qaranka somaliland si ay bulshadu ugu nalooto nabad iyo wanaag.” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Waxa kale oo uu farriin u diray Taliyuhu bulshada iyo shacabka kala duwan ee reer Somaliland, isagoo ku boorriyey inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, waxana uu yidhi,

“waxaanan halka bulshada somaliland uga dirayaa fariin ah in ay ciiddanka bilayska la shaqeyaan sidii horeba looga bartay,dhamaan gobolada iyo degmooyinka jamuuriyada somaliland ciidank boolisku waxa ay ku jiraan heegan buuxa.”

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa heegan sare la geliyaa markasta oo maalmaha Ciidda la gelayo, waxana maalmihii ugu dambeeyey si joogto ah magaalooyinka Somaliland looga dareemayey Baadhitaanno laxaad leh oo ciidanku  ka hayaan gaadiidka kala duwan ee waddooyinka maraya, iyadoo taasina qayb ka tahay Ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta dalka.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

Ciida wanaagsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here