Somaliland si weyn ugu dabaaldegtay 28 guuradii ka soo wareegtay maalintii ay ku dhowaaqday inay dal madax banaan tahay

0
1392

Hargeysa,(HargeisaPress) —Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta si balaadhan looga xusay sanad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhowaaqda inay dib ula soo noqotay madax banaanideedii.

Xalay magaalooyinka waaweyn lama kala seexan, waxaana jidadka marayey gaadiid ay dhallinyaro ka buuxaan oo ku wareegayey xaafadaha kuwaas oo u dabaaldegayey 18 may oo sanad walba maalintan oo kale la xuso.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kala soo qaybgalay dadweynihii iskugu yimid goob cusub oo fagaare loogu sameeyey oo uu ciidanka salaanta kaga qaato, waxaana laamida soo maray qaybaha kala duwan ee bulshada haday ahaan ahayd, dugsiyadda, jaamacadaha, shirkadaha gancasiga, ciidamada kala duwan iyo dhalinyaradii shaqo qaran oo ku labisnaa dharka ciidanka.

Markii dhoolatuskii ciidamada iyo bulshada qaybaha kala duwan samaynayeeen dhamaatay waxa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madaxweyne Biixi, waxaanu ka hadlay qorshayaal uu doonayo inuu miyiga iyo magaalada ka fuliyo, iyo sidoo kale mudadii uu joogay wixii uga qabsoomay adeegyada dadweynaha loo fidiyo.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlay khilaafka taagan doorashooyinka Somaliland ka taagan, waxa uu sheegay in uu xisbiga kulmiye uu tanaasul badan u sameeyey xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu yidhi “Sida aad la socotaan, Qaranka Somaliland waxa uu ku dhismayaa doorashooyinka oo wakhtigoodii lagu qabto, Dib-u-dhaca doorashooyinku waa dhibaato siyaasadeed oo wiiqi karta midnimadeenna.

Mudnaantu waa in aan ka baxno qabyaaladda oo aan dhisno Qaran dimuqraadi ah oo isku maamula doorasho xor iyo xalaal ah.Labada doorasho ee isku sidkan ee sannadkan dabayaaqadiisa qorshaysan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxa ay fuliyeen dhammaan wixii kaga soo aaday miisaaniyad iyo xeerarba. Waxa kale oo ay aqbaleen dhammaanba soo-jeedintii Axsaabta Qaranka ee ahaa – In la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Komishanka Cusub qabto doorashooyinka, waxannu aqbalnay Komishanka cusub ee la dooranayo waqtigii la dooranayey lasoo hormariyo oo bisha Siddeedaad kowdeeda la bilaabo magacaabiddooda, waxanau aqbalnay in Komishanka cusubi uu qabto doorashooyinka marka kii hore waqtigoodii dhammaado, waxannu diyaar u nahay inaannu ka qayb qaadanno oo aannu weliba tanaasul badan u samaynno wax kasta oo suurtogal ah oo ay xisbiyada mucaaridku tabanayaan si ay doorashadu inoogu qabsoonto.

Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waa u diyaar in ay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigoodii. Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo muujiyey xil-kasnimo iyo in uu diyaar u yahay doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI in uu u soo diyaar garoobo doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii, wax Allah iyo wixii aad naga codsateenna waannu dhammaynay, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si gaar ah u diiddan doorashada, waxannu leenahay waxay dantu ku jirto in taageerayaashaadu kasoo qaybgalaan meelaha looga taliyo qaranka ee goleyaasha Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Waxa kale oo aannu ku dhiirrinaynaa guddoomiyaha xisbiga sharafta mudan ee WADDANI inuu mar kaliya kasoo qaybgalo maalinta sannad-guurada 18-ka May.’

Mar uu ka hadlay arrimaha dibada waxa uu yidhi “Waxaannu xoojinay Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee ku jihaysan Qaarada Afrika. Waxaannu u aragnaa in baadi-goobka ictiraafka Somaliland xooggiisa la saaro dalalka Afrika iyo Golayaasha Afrika. Waxaan u caddaynayaa Afrika in Somaliland tahay dal ku dhisan xuduudihii gumaysiga, taas oo waafaqsan Axdiga iyo Sharciga u yaalla Ururka Midowga Afrika, buuxiyeyna dhammaan shuruudihii looga baahnaa in dal jiraa in uu yeesho.

Xukuumaddu waxa ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dar-dargalinayo xidhiidhka Beesha Caalamka oo dhan. Waxaad la socotaan wufuudda tirada badan iyo diblomaasiyiinta ku soo qul-qulaysa dalkeena. Arrimahaasi waxa ay marag u yihiin dar-dar-galinta iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.”.

Dhinaca wada hadalka waxa uu sheegay in danta afrika ku jirto iyadoo la kala guro Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Somalia. Somalialand waxay go’aansatay siyaasadda ah in mushkiladda lagu xalliyo si nabad ah iyo wada- hadal. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh.

Dadka maanta Muqdisho ka taliya waxa aannu leenahay intii aad Somaliland gaadhsiiseen dhibaato soddonkii sano ee aynnu midaysnayn waxa ka culus oo nagaga khasaare badan siddeed iyo labaatanka aynnu kala maqnayn ee aad lahaydeen ma xoroobi karaan, ma ictiraafayno iyo waa qayb naga mid ah.

Lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka soddonka sano kala maqnaana wa ayo cidda leh waan isku keenayaa, danta Somaliland iyo Afrika iyo adduunkuba waxa ay ku jirtaa inay labadaas dal noqdaan laba dal oo walaalo ah.

Somaliland waxay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay door-bidaysaa in mushkillada Somaliland iyo Somalia lagu xalliyo wada hadal macno leh oo lagu qabto fagaare caalami ah. “

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay ciidamada badda ee loo samaynayo geeska afrika, waxaanu xusay in hadii aanay Somaliland ka mid ahayn wax ka soconayaa aanu jirin, waxaanu yidhi “Dhawaan waxa aynnu maqalnay in la samaynayo ciidamada nabadgelyada badda Cas, waxaan la yaabahannahay ragga Isteraatajiisteyaasha ah ee fikradda leh ee gobolka katirsan ee doonaya inay badda cas nabadgelyadeeda xoojiyaan ee Somaliland ah dalka xeebta ugu badan ee badda cas, Somaliland marka laga tixgelin waayey xaggee baa loo wadaa, mise Somaliland cid baa xoog kaga qaadaysa xuquuqdeeda.

Arrinta nabad-gelyada Badda Cas ee hadda la hindisayo in ciidammo loo dhiso, waxaannu u aragnaa in Somaliland ka tahay tiir-dhexaad, sababtoo ah Somaliland waxay ku leedahay qayb weyn Badda Cas. Somaliland qaybta ay ku leedahay Badda Cas waxay dhan-tahay 850 Km, iyada oo kaliya ayaana ka arimisa.

Sidaas darteed, dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jira Badda Cas, Somaliland waa in ay miisaankeeda ku yeelataa. “.

Sidoo kale, waxa sidan oo kale looga xusay dhamaan gobolada oo ay u kala baxeen wasiiradii oo gobol walba wasiiro loo direy si ay dadka ula qaybgalaan.

Inkastoo Somaliland ku dhowaaqday madax banaani haseyeeshee wali beesha caalamka kama helin ictiraafka iyo in dalka gaar ah loo aqoonsado.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 

LEAVE A REPLY