Somaliland: Shan Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ka Dhashay Roob ka Da’ay Degmada Dilla ee Gobolka Awdal

0
875

HARGEISA , (HargeisaPress) —Shan qof ayaa caawa fiidkii ku dhintay  jiida degmadda Dilla ee gobolka Awdal, ka dib markii ay qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roob ka da’ay halkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

 

Dadkan dhintay ayaa daadku qaaday waxaanu Guddoomiyuhu intaas ku daray inay jiraan dad ay wali baadi goobayaan oo ay raacdeynayaan raq iyo ruux-ba.

 

Degmadda Dilla waxay ka tirsan tahay gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland oo ahaa gobolka ay dhibaatada ka dhalatay abaarta ka jirta Somaliland ku laxaadsatay, iyadoo ay deegaamadda Awdal iyo Selal ay hore ugu dhinteen 12 qof oo iskugu jiray waayeel iyo caruur oo haraad iyo macaluul u le’day.

 

Roobka gu’ga ayaa ka curtay deegaamo kala duwan oo ku yaalla Somaliland, hase yeeshee waxa wali ka socda gobollada dalka gurmadka baaraha oo lagu wado inay riiq dheeraato, maadaama oo xoolihii ay bulshadda reer guuraaga ahi dhaqanayeen ay ku le’deen abaartan oo saddex jirsatay.

 

Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay in gobollada Awdal iyo Selal ay  gurmad deg deg ah u baahan yihiin qoysas lagu qadaray 20 kun oo qoys oo ku filiqsan labadan gobol.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here