Somaliland: Saraakiil Beeniyay In Ciidamo Ka Goostay Ay U Baxsadeen Puntland

0
1401

Yube , (HargeisaPress) —Ciidamadda qaranka Somaliland ayaa beeniyay in koox ciidan ahaa oo ka tirsanaa fadhiisinka degaanka Yube ay u goosteen dhinaca Puntland gaar ahaana magaaladda Qardho oo uu jabhad ku ururiyay sarkaal hore uga goostay ciidamadda Somaliland.

Iyadoo arrintaas laga duulayo ayaa taliska qaybta 3aad ee ciidamadda qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Faysal Cabdi Bootaan, oo ay wehelinayeen sarkiil kale ayaa maanta gaadhay fadhiisimadda ciidamadda qaranka  ee degaanka Yube ee gobolka Sanaag.

Waxaanay saraakiishaasi kormeereen fadhiisinka ciidamadda iyo qaabka ay ciidamadda fadhiisinka Yube, iyadoo warbixino ka dhegaysteen taliska ciidamadda halkaas jooga.

Taliyaha ururka 4aad ee guutadda 116aad, oo saraakiisha kormeerka ugu yimid uga warbixinayay xaalka ciidanka uu xukumo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in qaybo ka tirsan ciidamadda uu xukumo ay u goosteen dhinaca magaaladda Qardho ee  maamulka Puntland.

Waxaanu yidhi  “Ciidankani waa ururka 4aad ee ka tirsan guutadda 116aad. Fadhigeeduna uu yahay Yube. Waxaanay hayaan shaqo qaran.

Dacaayado maalmahan  la sheegayay oo la leeyahay niman meelahaas tegay ay leeyihiin ciidan ka soo goostay ciidamadan aan xukumo ama jamhuuriyadda Somaliland ayaanu ka soo goosanay, wax ka jiraa ma jiraan.Waana been warkaasi”.

Intaas ka dib ayaa taliyaha qaybta 3aad ee ciidamadda qaranka Somaliland ayaa ciidamadan fadhiisinkoodu yahay Yube ku amaanay siday heeganka ugu yihiin ilaalinta qarnimadda  jamhuuriyadda Somaliland.

“Muuqaal wanaagsan ayaa nooga kiin muuqda, waana waajibaadkii qaranka ee aad hayseen, shaqadiinii ayaanad wadataan. Diyaarsanaan iyo ciidan-nimo fiican ayaana idinka muuqda. Anaguna (saraakiisha) waxaanu idinku baraarujinaynaa, in wixii xuquuq ah ee ciidanka qaranku  leeyahay, aad ula siman tihiin.

Waanan idinku boorinaynaa shaqadda aad haysaan iyo sida aad u feejigan tihiin”ayuu yidhi gaashaanle dhexe Faysal Cabdi Bootaan.

Geesta kale gaashaanle dhexe Bootaan, ayaa fariin u diray Kornayl Caare ooh ore uga tirsanaan jiray ciidamadda qaranka Somaliland balse muddo ka hor ka goostay, isla markaana jabhad ku abaabulay magaaladda Qardho.

Waxaanu ku tilmaamay in Caare uu isaga laftiisu baxsad ku joogo Qardho. Waxaanu yidhi “Ninkii saaxiibkay ahaa ee Qardho ka hadlayna, waxaan is lahaa isaga ayaa dhibaato isugu filane yaan lala hadlin ayaan is lahaa.

Laakiin mar haddii uu ciidankii qaranka ee qaybta 3aad taataabtay, aniguna waan taabanayaa. Waxaanan leeyahay adiga ayaa baxsi ku tegay Qardho, ciidanka Yube xajiin aanay lahayn ha mar-marinin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here