Somaliland: Qiimaha Sarifka Dollar-ka Oo Halkii U Hoosaysay Gaadhay, Qiimihii Maceeshadii Oo Aanay Waxba Iska Badalin iyo Walaaca Shacabka

0
1307

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa maalmihii  u danbeeyay Suuqyada Somallland, ee sarifka lacagaha si wayn looga daremayay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimhii sarrifka dollar-ka, iyo kor u kac ku yimi qiimihii lacagta shillinka Somaliland, balse qiimihii maceeshada ayaanay waxba iska badalin oo kor u sii kacday.

 

Shacbi-weynaha Somaliland, oo soo dhaweeyay hoos u dhaca dollarka, iyo kor u kaca qiimaha shillinka Somaliland, ayaa walaac xoog leh ka muujiyeen qiimihii maceeshada oo kor u sii kacay oo aanay waxba iska badalin, taas oo ay ku tilmaameen in isbadalkani uu yahay hal bacaad lagu lisay oo aan la mahadin, maadaama hoos u dhaca ku yimid Dollar-ka aanay la socon hoos u dhac ku yimaada qiimaha maciishada si nolosha bulshadu u dheelitiranto.

 

Shacabka Somaliland, waxa uu xukuumadda uga fadhiyaa sidii La isugu dheelli tiri lahaa qiimaha sarrifka iyo maciishada .

 

Qiimaha Sarrifka Dollar-ka Ee Somaliland Labadii Cisho Ee U Danbeeyay lagu sarifayay halka Dollar, 6400 oo Shilin Somaliland ah , halka uu hore u ahaa 7500-7800 oo shillinka Somaliland ah.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa ku soo beegantay kulan uu maanta Madaxweynaha Somaliland, kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Ganacsatada waaweyn ee Somaliland, kaas oo si weyn ay shacabka Somaliland, isha ugu hayaan waxa uu ku soo kordhin doono arrintan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here