Somaliland: Qaran aan la Aqoonsan oo Taariikh Sameeyey iyo Murrashaxiinta Tartamay ee Niyad-samaanta Muujiyey

0
1668
Murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo codkiisa ku hubsaday sanduuqa codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland.

Hargeysa, (HargeisaPress) —Murrashaxiinta u tartamaya  jagada Madaxweynenimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa codkooda ka dhiibtay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee caasimadda Hargeysa, kuwaasoo hore u ballanqaaday, isla markaana niyad-samaan ka muujiyey inay si buuxda u aqbalayaan natiijada ka soo baxda doorashada Madaxtooyada.

Murrashaxiinta Madaxweynaha ee xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID – Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe oo subaxnimadii hore ee shalay codeeyey, waxa ay sheegeen inay ku qancayaan saamiga mid walba ka helo muwaadiniinta codbixiyeyaasha ah oo tiradoodu dhan tahay 704089 ee ka codeeyey 1642 goobood oo ku kala yaal 21-ka degmo-doorasho ee dalka Somaliland oo dhan.

Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo isticmaalay nidaamka casriga ah ee dadka codbixiyeyaasha ah laga sawirray indhaha (Iris- scan biometric technology) si looga hortago ku shubasho iyo in qofku codeeyo hal mar wax ka badan, waxayna noqonaysaa markii u horaysay caalamka ee nidaamkan casriga ah loo adeegsado doorasho, iyadoo ay arrintaasina guul u tahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee taariikhda galay.

Sida ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku hore ugu caddeeyeen saxaafadda, natiijada Ku-meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyada, ayaa la filayaa inay soo baxdo ugu dambayn 17 November 2017 oo ku beegan Jimcaha toddobaadkan, balse waxa muuqata in xisbiyada qaranku ay natiijada aan rasmiga ahayn ogaan karaan saacadihii dambe ee xalay ilaa Salaasada maanta, maadaama uu xisbiyada muraaqib u joogo goob kasta oo lagu tiriyey codadka muwaadiniintu bixiyeen.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Dariiqa sharci ee ay marayso tirinta iyo ku-dhawaaqista natiijada doorashadu

Sida ku cad Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka ee xeer Lr. 20/2001, waraaqaha codbixinta, waxa lagu tirintooda laga bilaabayaa goobta codbixinta marka u horaysa ee ay dhammaato codbixinta goobtu, waxaannu wargeyska Jamhuuriya halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa qodobbada muhiimka u ah hawlaha khuseeya tirinta codadka iyo ku dhawaaqista natiijada.

Qodobka 61aad

Isugeynta Tirsiga Codbixinta Doorashada Madaxtooyada.

  1. Guddoomiyaha doorashada ee degmadu markuu qabanayo hawsha doorashada Madaxtooyada:
  2. a) Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhammaan codbixinta ka soo hoyatay goobaha codbixinta.
  3. b) Waa inuu hubiyo codadka waxba kama jiraanka noqday ee ka soo hoyday goobaha codbixinta.
  4. c) Waa inuu go’aan ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, sida uu tilmaamay qodobka 54aad ee Xeerkan.
  5. d) Waa inuu isu geeyo codadka xisbi kasta oo murrashaxiin ku leh degmada ka helay goobaha codbixinta.
  6. e) Waa inuu natiijada codadka ee soo baxay iyo cabashooyinka (haddii ay jiraan) u gudbiyo Xafiiska doorashada gobolka.

Qodobka 62aad

Shaqada Xafiiska Doorashada ee Gobolka

  1. Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo qoraalka raad-raaca ee goobaha codbixinta iyo natiijada guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu hubinayaa xisaab ahaan natiijada codadka.
  2. Xafiiska Doorashada ee Gobolku wuxuu ka go’aan gaadhayaa wixii cabasho ka taagnayd ama lagu muransanaa ee loo soo gudbiyey, iyadoo ay goob-joog yihiin wakiillada xisbiyada tartamayaa, wuxuu isu-geynayaa natiijooyinka doorashada ee degmooyinka gobolka, waxaannu soo saarayaa:
  3. a) Tirada guud ee codadka laga dhiibtay dhamaan degmooyinka gobolka;
  4. b) Tirada guud ee codadka xumaaday ee degmooyinka Gobolka.
  5. c) Tirada Guud ee codadka ansaxay ee degmooyinka gobolka.
  6. d) Tirada codadka ay kala heleen xisbiyada/ururrada tartamay.
  7. Waa inuu natiijada codadka ee soo baxay iyo cabashooyinka (haddii ay jiraan) u gudbiyo Xarrunta Komishanka Doorashooyinka ee Heer Qaran.
  8. Xafiiska Doorashada Gobolku:
  9. a) Wuxuu natiijada raad-raaca doorashada ee gobolka ku qorayaa foomka ku xusan Farqada 2aad ee qodobkan oo ka kooban xaashi asal ah iyo nuqulada lagama maarmaanka ah;
  10. b) Nuqulada foomamka natiijada gobolka, oo ay ku lifaaqan yihiin xaashiyihii asalka ahaa ee natiijooyinka doorashada ee degmooyinka gobolka, waxa uu u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
  11. c) Wakiillada Axsaabta/ururada ee Xafiiska Doorashada Gobolkana waa in uu siiyaa min hal nuqul.

Qodobka 63aad:

Hawsha Xafiiska Dhexe ee Doorashada

  1. Xafiiska Dhexe ee Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan Qodobka 59aad ee Xeerkan, waa inuu:
  2. a) Faro kaaliyayaasha iyo xoghaynta inay u diyaaargaroobaan hawsha.
  3. b) U yeedho Wakiillada ururrada/axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu socoto.
  4. c) Inay wadajir u hubiyaan in buqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.
  5. d) Inay wadajir u hubiyaan in buqshadahu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furo buqshadda ay ku jirto shaambadda xafiiska doorashadu, waanna in qoraalka raad-raaca lagu muujiyo lambarka shaambada.
  6. Xafiiska dhexe ee doorashooyinku waa inuu markaas hubiyo inuu helay qoraalka raad-raaca ee ku xusan Qodobka 59aad ee Xeerkan oo laga doonayo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobollada.

Qodobka 64aad

Ku Dhawaaqidda Natiijada Doorashooyinka Madaxtooyada

Xarrunta dhexe ee Komishanku markuu ka helo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada waa inuu:

  1. Go’aan ka gaadho dacwooyinka iyo murranada la xidhiidha codbixinta iyo tirinta.
  2. Tiriyo oo isku geeyo (xisaab ahaan) codadka ansaxay, kuwa xumaaday ama waxba kama jiraanka ah ee ka yimid xafiisyada doorashooyinka gobollada.
  3. Markuu si walba u hubiyo ee uu ku qanco in hawshu si habsami-u-dhacday, Guddoomiyaha Komishanku wuxuu si ku-meel-gaadh ah ugu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha.

QAYBTA 11AAD

HUBAAL-CELINTA IYO DAWCADAHA

Qodobka 65aad

Hubaal-celinta Natiijada Doorashada Degaanada

  1. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolku waa inuu hubaal-celiyo oo ansixiyo go’aanka doorashada Golayaasha degaanada. Waa inuu go’aan ka gaadho wixii muran ama cabasho ah ee guud ahaan uu u soo gudbiyey xafiiska doorashada ee degmadu ee soo baxay intii hawshu socotay.
  2. Dacwadaha ku saabsan Doorashada Deegaanka waxaa awood u leh Maxkamadda Gobolka, waana in dacwadaasi ay soo gaadho kaalinta maxkamadda gobolka 7 (toddoba) maalmood gudahood oo ka bilaabmanta maalinta ay Xafiiska heer degmo ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay soo saaraan go’aannada doorashooyinka deegaanada sida ku cad Qodobka 60aad ee Xeerkan. Cabasho kasta oo ka dembaysa muddada qaanuuniga ahi waa waxba kama jiraan (null and void).
  3. Maxkamadda gobolku waa in ay go’aan qaadataa muddo 10 (toban) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta maalinta ay cabashadu soo gaadhay kaalinta Maxkamadda Gobolka ee ay khuseyso.
  4. Dhinac kasta oo aan ku qanacsanayn go’aanka Maxkamadda Gobolku waa in ay rafcaan qaadashadooda diiwaangeliyaan isla marka xukunka lagu dhawaaqo. Waa in ay rafcaan qaadashadooda qoraal ahaan ku soo gudbiyaan muddo laba (2) cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa isla maalinta ay maxkamaddu ku dhawaaqday go’aanka.
  5. Maxkamadda Gobolku waa in ay muddo 2 (laba) cisho ah ugu soo gudbiso Maxkamadda Sare. Haddii ay isla maalintaa rafcaan qaadan waayaan, xaq uma laha in ay dacwadoodu u gudubto Maxkamadda Sare.
  6. Go’aanka Maxkamadda Gobolka waxa looga racfaan qaadanayaa Maxkamadda Sare Maxkamadda Sare waa in ay muddo toban cisho gudahood ah (10 cisho) kusoo saartaa xukunka iyo natiijada kama dambaysta ah.

Qodobka 66aad

Dacwadaha Doorashada

  1. Dacwadaha ku saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka

Madaxweynaha waxa awood u leh Maxkamadda Sare, waanna in dacwadaasi soo gaadho kaalinta maxkamadda 7 maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Haddii ay waqtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

  1. Maxkamadda Sare waa in ay dacwadaha doorashada madaxtooyada kaga go’aan gaadhaan muddo 10 maalmood gudahood ah.
  2. Maxkamadda Sare marka ay hesho qoraaladda raad-raaca ee xafiiska dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ansixinaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Wargeyska Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here