SOMALILAND: Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashada Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabantay

0
1404
Qaadashada kaadhka codbixinta

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cadeeyay in hawsha qaadashada kaadhka codbixinta doorashadu si rasmi ah uga bilaabantay Gobolada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag.

War-qoraal ah oo ay baahiyeen Guddiga Doorashooyinku ayaa u dhignaa sidan:-

KDQ waxa uu saaka 07:00 subaxnimo ka bilaabay qaybinta kaadhka codbixinta Gobollada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Sanaag. Shaqaaliha ka hawl galaayay goobahaas waxay si habsami leh ugu bilaabeen qaadashada kaadhka bulsho badan oo u soo baxay in ay ka faa’iideystaan fursadaas qaaliga ah ee KDQ u keenay.

Dadkii qaadanaayay kaadhadhka oo ay ka muuqdeen farxad iyo niyad wanaag waxay aad ula dhacsanaayeen sida hawsha yar ee loogu soo diyaariyay qaadashada kaadhadhkooda codbixinta.

Muddada ay kaadh qaybintu ka socon doonto Magaalooyinka waa 7 casho, goobaha ka baxsana magaalooyinka waa 5 casho. Intaas ka dib waxa lagu soo celin doonaa kaadhadhka wixii aan la qaadanin xarumaha KDQ ku leeyahay degmooyinka, halkaas oo ay sii ooli doonaan lagana doonan karo muddo 14 casho oo dheeri ah. Isu geyn gobol kasta waxay ka socon doontaa kaadh qaybintu muddo 21 casho ah, intaas wixii ka dambeeya ciddii aan qaadanin kaadhka waxay la soo xidhiidhi doonaan Xarunta guud ee KDQ Hargeysa si ay u helaan fursadna loogu siiyo qaadashada kaadhkooda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here