Somaliland Oo Sheegtay Inay Jawaab Aan La Mahadin Ka Bixin Doonto Jidgooyo Ay Puntland Sarkaal Ciidanka Qaranka Ah Ku Dishay

0
1010
Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore oo ay waheliyaan xildhibaano golaha wakiilada ka tirsan oo ka soo jeeda gobalka Sool, ayaa ka hadlay dhacdadii jidgooyada ahayd ee maamulka gobalka Xaysimo loogu galay wadada habeen hore.

Jidgooyadan ayaa lagu dilay mid ka mid ah taliyayaasha ciidmada qaranke ee Gobalka Sool gaashaanle Saleebaan Cabdi, waxa lagu dhaawacay maayarka degmada Taleex sida oo kale waxa dirqi kaga baxsaday guddoomiyaha gobalka Taleex, sida ay masuuliyiintani ku warameen.

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa Puntland ku eedeeyay dhacdadan, waxaanu sheegay inay Somaliland jawaab rasmi ah ka bixin doonto dhacdadan jid gooyada ah, waxaana sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo way wada jir ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxaana wasiir Saleebaan Cali Koore oo dhacdadan ka hadallaayay uu ku waramay “Waxa dhacday sida aad ogsoontihiin maamul gobaleedka Puntland ciidamo ka tirsan inay xalay habeen badhkii (Habeen hore) gobalka Xaysimo maamulkiisii oo dhan inay u sameeyeen jidgooyo qoshaysan oo loogu talo galay in dadkaas lagu khaarajiyo, iyada oo madaxdaas gobalka Xaysimo ay marayeen deegaankoodii iyo dalkoodii, wadadoodii iyo meeshii ay ku dhasheen, iyaga oo u socday arimo nabadgalyo iyo arimo aadaminimo oo dad xanuunsanaaya daawooyin iyo raashin u qaybinaaya.”

Wasiirka oo dhacdadan faah faahinayaa waxa uu yidhi“Waxa wadada si qorshaysan loogu galay in lagu khaarajiyo nimankaas madaxda ah qaar ka mid ah waxa si xilkasnimada iyo milgaa aadamaha ka baxsan loogu dilay goobta, isaga oo aan wax dhib ah wadin, hubaysnayn oo u socday arimo aadaminimo oo uu dadka ugu shaqaynaayay, waxa falkaas lagu dilay oo ku shihiiday gaashaanle Saleebaan Cabdi Caateeye oo ka mid ahaa taliyayaasha guutooyinka ciidamada ee Laasacaanood, waxa kale oo dhaawac khatar ah la soo gaadhsiiyay maayarkii Taleex, oo jajab iyo xabado kalena qaba, oo xaaladiisu tahay mid adag,wax xabad lagu baacsaday mudo ku dhaw 30 Km guddoomiyihii gobalka Xaysimo isaguna Alle amarkii ayuu kaga badbaaday.”

Ugu danbayntii waxa uu wasiir Saleebaan sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan dhacdadan“Waa caado hor leh oo ay Puntland ku soo rogtay deegaamada awal laba ciidan ayaa is hor fadhiyay laakiin in wadada layska ugaadhsado oo madaxda iyo raga ugu sareeya sidaas loo dilo iyaga oo deegaankoodii maraaya, waanu ognahay raga deegaankaas fadhiyaa beesha ay ka soo jeedaan, wax ciidan Puntland la yidhaahdaa ma jiro ee waa qabiilo iyo qoysas midba meel laga keenay oo ciidanka Somaliland canjilaaya, qoyska meesha degan iyo raga laayayna si fiican ayaanu u ognahay oo u garanaynaa, waana arin ay gadaal ka ogaan doonaan jawaabteeda. Ka dawlad ahaan iyo ka xukuumad ahaan ma ka dul qaadanayno waxaanay naga heli doonaan jawaab cad.”

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa isaguna dhankiisa dhacdadan ka hadlay“Puntland in  dhabooyinka laysku galo cid uga nuguli ma jirto xuduudayadu ilaa Boosaaso iyo Garoowe ooda ayaanu ku haynaa, xaga hawdkana ilaa Gaalkacayo ilaa Garoowe ooda ayaanu ku haynaa, sune ayaad abuurteene meel u samaysta.”

Ugu danbayntiina Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa Puntland ugu hanjbay inay Somaliland iyo deegaankaasiba ay ka aarsan doonaan“Aad iyo aad ayaanu uga xunahay waxii aanu anagu ka xishoonaynay inay nagu kalifaan iyaga oo ku xaragoonaaya, jawaab degdeg ah ayay naga helayaan mid dawladeed iyo mid deegaanba, dadkaasina dad abaaraysan ayay u socdeen, dad xanuunsanaya ayay sideen oo qoryo may sidan, waxaan leeyahay soo dhawaada oo waxaas aad bilowdeen ha ka cabanina.”

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here