Somaliland oo Shaacisay in Hubka La Siiyo Soomaaliya uu ku Dambeyn Doono Gacanta Argagixisada

0
1101
A CCTV footage shows one of the DusitD2 hotel attackers. The incident took place on January 15, 2019. PHOTO | COURTESY

Nairobi,KENYA – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay qormo  uu kaga hadlay dacwada  dawladda Somaliland ay  u gudbisay madaxa Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay Mr. Francisco Antonio Cortorreal, taasi oo ay Somaliland ku iftiimisay   in Gaadiidka Millatari ee dalka Qatar ugu deeqday Soomaaliya uu  burinayo qaraarkii Qarammada midoobay ee  tirsigiisu ahaa 2444, kuna wajahnaa    cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shabakadda Wararka Somaliland ee HargeisaPress, ayaa  soo xigatay Warbixinta Daily Nation, waxa  lagu  sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u aragto hub kasta oo la siiyo ama laga iibiyo Soomaaliya uu ku dambeyn doono gacanta kooxaha argagixisada.

Wargeyska  wuxuu intaas ku daray in  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu dacwadiisa ku caddeeyey in hubka iyo Saanadda millatari  la siiyo Soomaaliya ay khatar ku yahay Somaliland iyo dalalka jaarka ah sida Kenya.

Waxa kaloo Wasiir Faratoon xusay in hub kasta oo Soomaaliya hesho uu aakhirka gacanta u geli doono  kooxaha argagixisadda.

Booliska Kenya ayaa shan maalmood ka hor shaaciyey  in  Saddex qori oo ka mid ahaa Shantii qori ee lagu weeraray Huteelkii ku yaallay Nairobi hore loogu  iibiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here