Somaliland Oo Qoraal Garnaqsi ah U Gudbisay Dawladda Ingiriiska

0
1059

London (Hargeisa Press):  Aqalka Guurtidda ee dawlada Ingiriiska ayaa xukuumadda UK u gudbiyay cabasho ay xukuumada Somaliland ka muujisay nidaamka mucaawinooyinka iyo soo jeedin qorshe mustaqbalka loo maamulo.

Qoraal gudoomiyaha guddiga Arrimaha dibadda u qaabilsan Aqalka Guurtida Ingiriiska Mr. David Howell,  u diray wasiirka Arrimaha dibeda Britain  Harriet Baldwin,  ayuu faahfaahin ka siiyay kulan dhexmaray madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici.

Mr. Howell,  ayaa qoraalkan oo u todobaadkii hore gudbiyey ku sheegay in madaxweyne xigeenka Somalialnd C/raxmaan  Saylici, uu  amaanay taageeradda dawladda Ingiriisku ku biiriso sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Balse, dhinaca kale  uu culays ka muujiyay caqabadaha Somaliland ka waajahaya mucaawinooyinka loo soo mariyo  dhinaca dawladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Arrimaha dibada ee Guurtida Mr Howell,  ayaa waydiiyay wasiirka inuu jiro qorshe xafiiska Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamka ee  UK u diyaariyay in dhamaanba  mucaawinooyinka la siiyo Somaliland toos ay ugu gaadhaan sanduuqa horumarinta Somaliland, isla markaana aan loo sii marsiinin Soomaaliya.

Warbixinta madaxweyne xigeenka Somaliland   oo ay wehelinayeen saddex marwo oo xilal ka haya Somaliland  ayaa la gaadhsiiyey Aqalka Odayaasha dalka UK, waaxaana   la saadaalinayaa in todobaadyada soo socda ay jawaabi ka soo baxdo.

Taasoo la filayo in ay wax badan ku kordhisa iskaashiga ay labada ee Somaliland iyo Britain  wadaagaan.

 

Hargeisa Press

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here