Somaliland Oo Mamnuucday kaluunka Dibada Laga Keeno

0
782

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukumadda Somaliland, ayaa Dalka ka mamnuucday Kaluunka dibada laga soo dejiyo isagoo Warshadaysan islamarkaana Kaluumaysatada dalka u soo jeedisay in la jabiyo Qiimaha Kaluunka lagaga Iibinayo Bulshada.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha ee Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed), ayaa maanta soo saaray Amarka joojinta Kaluunka dibada ka yimaada.Wasiirku waxa uu sheegay in Madaarada,dekedaha iyo Kastamada la dhigay amarka lagu mamnuucay Kaluunka dibada ka imanaya.

“Maanta laga bilaabo wasaaradda kaluumaysigu iyo khayraadka Badahu waxa ay joojisay in dalka somaliland la keeno kaluun ka yimid dalka dibadiisa.Waxaanu dhamaan Amar buuxa siinay madaarada dalka iyo dikadaha si aanay kaluun dalka uga soo dagin,hadaanu nahay wasaarada kaluumaysiga waxaanu dhiiri galinaynaa in dalka somaliland lagu isticmaalo kaluun kooda” ayuu yidhi Wasiir Buureed.

Wasiir Buureed oo amarkiisa sii faahfaahinaya ayaa Sheegay in Kaluunka Somaliland gudaheeda uu ka jaban yahay Kaluunka Xamar laga keeno,waxaanu Ganacsatada u soo jeediyay inay Qiimaha Kaluunka hoos u dhigaan.

”Dhamaan waxaan ku wargalinayaa Kaluumaysatada dalka somaliland, in ay Jabiyaan Kaluunka dalka, kana haqab tiraan Bulshada,Markii hore dalka waxa la keeni jiray Kaluun laga keeno Xamar Maant laga bilaabo dalka waa ka mamnuuc” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysiga.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda mid rajo galinaya Ganacsatada Wadaniga ah ee dhanka Kaluunka, inkasta oo aan la Ogayn siday u dabooli doonaan Baahida Bulshada, iyadoo si aada looga isticmaalo dalka Kaluunka dibadaha ka yimaada.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here