Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha DDS Itoobiya

0
879

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalo ka soo yeedhay madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan sheegay in xubno denbiyo ka galay Itoobiya ay ku sugan yihiin Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana aanay jirin cid ka soo baxsatay Itoobiya oo ku sugan gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay muddo dheer wada lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo derisnimo  iyo siyaasadeed oo wada shaqayn dhinacyo badan leh.

Waxaanu ku dooday wasiirku in markii magaaladda Jig-jiga rebshaduhu ka dhaceen gaadiid badan oo lala soo galay Somaliland ay dhamaantoodba dib ugu celiyeen.

“Aad iyo aad ayaanu uga xunahay in arrintaasi ay ka soo yeedho madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Dawladda Somaliland aad iyo aad ayay uga xun tahay.

Waxaan u sheegaynaa madaxweynaha dawlad degaanka in dawladda Somaliland muddo dheer, oo ilaa 1991-kii intii ay dib ula soo noqotay xoriyadeedda, in xidhiidh aad iyo aad u wanaagsan oo qoto dheer, oo derisnimo, oo walaalnimo, oo siyaasadeed ayay la lahayd dawladda Itoobiya.

Dawladda Somaliland na weli way haysaa, waanay ku adag tahay”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Isagoo hadalkiisa sii watay na waxa uu yidhi “Waxaa xusid mudan berigii dhawayd ee ay shaqaaqadu ka dhacday kilinka shanaad ee  Itoobiya, waxaa dhacday in waxyaabihii lagala soo baxsaday dedaanka Soomaalida Itoobiya, siday u dhan tahay Somaliland waa dalka qudha ee aanay wax ku dhex qarsooni jirin.

Gaadiid aad u badan ayaa lagala soo baxsaday, gaadiidkaasina siday u dhamaayeen dawladda Somaliland gacanta ayay ku qabatay. Wixii kale ee Soomaaliya lala galay, haday hub tahay, haday gaadiid tahay iyo haday madax tahay ba.

Iyaga (dawlad degaanka)  ayaa is waydiin doona in ay wax kaga soo noqdeen iyo in kale, laakiin waxaanu ka war haynaa in aanay waxba kaga soo noqon”.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gelaynin in ay dalkooda ku sugan yihiin xubno denbiyo ka soo galay degaanka Soomaalida Itoobiya.

“Waxa Somaliland ku dhex qarsoomi kari waayay Bajaajyo, oo   ka mid ahaa waxyaabihii lala soo baxsaday.

Dalka Somaliland ee Bajaaj ku dhex qarsoomi wayday, madax dalka Itoobiya ahi kuma dhex qarsoomi karaan”ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY