Somaliland Oo Ka Hadashay Qul-qulatooyinka Siyaasadeed Ee Ka Socda Itoobiya

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay isbedeladda siyaasadeed ee rebshadaha watay oo todobaadkan ka socday degaanka Soomaalida Itoobiya iyo meello kaloo geeska Afrika ka tirsan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana isbedel kastoo ku yimaadaa uu saamayn ku yeelan karro Somaliland.

Sidoo kale wasiir Sacad, oo wax laga waydiiyay sida Somaliland u aragto heshiisyadda dhinaca dekadaha ee imaaraadka carabtu la galay dalka Eritrea, maadaama oo shirkadda DP World ee imaaraadku ay maamusho dekadda Berbera.

Halkan Ka Daawo su’aallo kala duwan oo ay warfidiyeenadu  waydiiyeen  wasiirka arrimaha dibadda:

https://youtu.be/bh6nxGVDVZ4

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY