Somaliland Oo Joojisay In Lagu Soo Galo Lagagana Baxo, Basaboorka Somaliya Ee Ay Ku Qorantahay In Laga Bixyey Goobo Ka Mid Ah Dalka Somaliland.

0
1223

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirda Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa shirjaraaid oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha, goobjoogna ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, iyo Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland, ayaa waxa ay ku shaaciyeen in ay dib u cusboonaysiin ku sameeyeen, Amarkii hore loogu joojiyey Basaboorka Somaliya ee lagu sameeyo Somaliland gudaheeda, laguna qoro in laga bixiyey.

Waxaanay sheegen in ay Wasiiradu isla qaateen Go’aamadan

  1. In gabi ahaanba la joojiyey qaadashada, isticimaalka iyo ku safarka Basaboorka eek a soo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyay goob ka mid ah dhulka Somaliland laga bilaabo, bisha 1aad ee sanadka 2017.
  1. Dhamaan Shirikadaha Safarka iyo Diyaaradaha ( Air lanes and Travel Agencies) kuma jari karaan tigidh Basaboorka kor ku sheegan ee la magnuucay isticimaalkiisa.
  1. Dhamaan laamaha Socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa, in aan Baasaboorkan Dalka lagu soo gali Karin lagagana bixi Karin.

Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon) oo iftiiminaya u jeedka shirka jaraaid ayaa yidhi:-“bismilaah saaka aniga iyo madaxda halkan fadhidaa ee ay ka mid ka yihiin Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka wasiir udawlaha amniga, Jananka Ciidanka Police iyo Jananka Ciidanka Socdaalka waxaanu halkan u fadhinaa inaanu shaacino inaanu cusboonaysiin ku samayno qaraaro hore loosoo saaray oo ku saabsan isticmaalka Passport ka Somalia ee lagu sameeyo gudaha Somaliland.

Wasiiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Farxaan Aadan Haybe oo faahfaahinaya go’aamadan ayaa yidhi:- “lama mamnuucin oo Passport Somalia lagu soo sameeyaa waxa uu la mid yahay ninka sita Passport America Passport Djibouti waa isku mid Visa waa la siin karaa wanu kusoo geli karaa si sharci ahna wuu kaga bixi karaa, Laakiin Passport Dalkale, oo Dalkeena lagu sameeyay sidaa wasiirka arimaha guduhu cadeeyay waa mamnuuc qaraarkii hore ayaanu ayidaynaa waxaanuse usoo rarnay mudadii hore ee la mamnuucay ee aanu uga dhignay laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee January si aanu ugu fududayno dadkii hore qaatay,  si    aanay dhib  uga iman, sidoo kale kuwa qaadan doonana ay fursad ugu noqoto inay kasoo qaataan Dalkaa leh ee Somalia dabadeedna sidii Dalkale ay sifa sharciya kusoo galaan Dalka.”

Wasiir Farxaan ayaa sheegay in uu go’aankan ayiday, waxaanu yidhi: “Waxaan ayidayaa hayadaha kale ee wasaaradayda hoos yimaada ee ay kamid yihiin shirkadaha tigidhada jara sida wasiirku sheegay (Travel Agencies) ama shirkadaha diyaaradaha inaanay ku jarin tigidh Passport lagu farsameeyay dalka Jamahuuriyada Somaliland hadii ay ku jaraana ay tahay denbi sidoo kale Culimada iyo Fudeediyayaasha Xajku inay ka tabaabulshaystaan imikay wakhti haystaan oo hadhawto aanay Xujaajta,  aanay noosoo tubin Madaarka sidii hore u dhacday ee imikay wakhti haystaane ay tabaabulshaystaan sidii ay Passport kaa uga soo qaadan lahaayeen Dalka Jamahuuriyada Somalia.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here