Somaliland Oo Diidday Lacag Gurmadka Abaaraha Ah Oo Soomaaliya U Qorsheysay, Kana Jawaabtay Hadallo Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

0
1366
Wasiirka warfaafinta somaliland Mudane Cismaan Cabdihi Saxardiid Cadaani

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in aanay Soomaaliya uga baahnayn Lacag Gurmadka Abaaraha ah, ka dib markii Shalay Guddiga Abaaraha ee Dalka Soomaaliya sheegeen in Maamul-gobolleedyada Soomaaliya iyo Somaliland loo qorsheeyay min Laba Boqol oo kun oo Dollar, Lacagtaasi oo loogu talo-galay Gurmadka Abaaraha saameeyay Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya oo matalaya Dawladda Soomaaliya, ayaa iyaga oo Somaliland ku daraya Maamul-gobolleedyada Soomaaliya waxay sheegeen inay Min Laba Boqol oo Kun oo Dollar ugu talo-galeen Jubba-land, Gal-mudug, Puntland, Koonfur-galbeed Soomaaliya, Hir-shabeelle  iyo Somaliland, laakiin Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland Maanta yeesheen, ayaa lagu go’aamiyey in la diido Lacagtaa Soomaaliya sheegtay inay ugu talo-gashay Somaliland.

Shirkan oo uu Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay markii uu dhamaaday ayaa  u qornaa sidan “Shirkii Golaha Wasiirada Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu guddoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.

Waxa kale oo aanu sheegayaa Dawladda Soomaliya in Umadda Jamhuuriyada Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.

Waxa kale oo aanu Umadda Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu  nahay Umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya.

Waxaa kale oo la isla qaatay in golaha wasiirada, wasiir walbi uu bixiyo lacag dhan 500$, sidoo kale  Agaasimayaasha guudna ay bixiyaan lacag dhan 200$ .

Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Putland sheegay in ay Putland iyo Soomaliland  heshiiska DP WORLD dawladda Soomaaliya u saxeexday, waxa kale oo uu ku daray in dawladda Somaaliland ka baqayso dadkeeda oo aanay u sheegi karayn. Waxaan leeyahay Dawladda Soomaaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Md.Axmed Maxamed Silaanyo  waa dawlad dadku doortay waxa ka dhaxeeyaana yahay in run lagu wada shaqeeyo, Soomaaliya madaxweyneheedu umuu cawdeen dawladda Imaaraadka Carabta  hadii uu saxeexay heshiiskaasi. Heshiiska waxa lagu saxeexay fagaare waxaana wadankan u saxeexay wasiirka arrimaha debada Dr.Sacad Cali shire, ayaa saxeexay arrinkaas DP WORLD iyo saldhigaba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here