Somaliland oo Caddeysay inay Kenya Kala soo Degi Doonto Baddeecado uga Iman Jiray Dalalka Fog

0
1001

Nairobi, (HargeisaPress) –Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa maanta sharraxay shir ku wajahnaa   maalgashiga oo dawladda Somaliland Jimcihii ku qabatay magaalada Nairobi  ee dalka Kenya.

Wargeyska Standard waxa uu shirkaas  ku sifeeyey in ‘In Ganacsatada Kenya loo Iftiimiyey fursadaha ganacsi ee ka jira Somaliland’ waxana warbixin Wargeysku maanta baahiyey soo xigatay HargeisaPress, Waxaanay u qornaa  sidan:-

“Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland, Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),  ayaa sheegay in dalkiisu danaynayo inuu albaabadda u furo ganacsatada shisheeye, waxaanu xusay in aanay doonaynin  oo kaliya inay la ganacsadaan Kenya, balse ay rabaan  in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada tirada badan ee raadinaysa shaqooyin iyo fursado ganacsi.

Wasiirku wuxuu sidaas ka sheegay shir uu soo qaban qaabiyey xafiiska Somaliland ku leedahay Kenya.

Wasiir Faratoon wuxuu intaas ku daray in Somaliland iyo Kenya ay wadaagaan cilaaqaad soo jireen ah oo u baahan in la xoojiyo, waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland ka soo dhoofsan doonto  Kenya baddeecadihii  markii hore uga iman jiray dalalka koonfurta Ameerika oo aad uga fog.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha  Kenya, James Mureu, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ganacsiyo ka furtaan Somaliland. Waxa kaloo uu xaqiijiyey inay danaynayaan hindisaha isku furka ganacsiga qaaradda Afrika oo dhan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa  sidii maalgashadeyaasha reer Kenya loogu soo caddeyn lahaa  fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ay ka heli karaan Somaliland, waxaanu ku dooday in Kenya wax badan u dhoofin karto Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar

Shirkaas shalay lagu qabtay Nairobi,  waxa ka qaybgalay ganacsato badan oo ka socotay Kenya iyo Somaliland,waxa kaloo goob joog ka ahaa wefti Wasiirro ah, waana shirkii u horreeyey ee noociisa ah ee Somaliland ku qabto qaarada Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here