Somaliland: Nuxurka Tabashada Madaxdhaqameedka Awdal U Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo

0
989
Dadweynaha reer Awdal ayaa si weyn usoo Dhoweeyey, isla Markaana ka hor Yimid
Dadweynaha reer Awdal ayaa si weyn usoo Dhoweeyey, isla Markaana ka hor Yimid

Hargeysa,(HargeisaPress) — Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa Cabasho Xooggan u gudbiyay sida uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo oo Shalay u saaray guddi baadha Arintaasi. Odayaasha ayaa Madaxweyne Siilaanyo hordhigay Cabasho ku salaysan Saami qaybsiga Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan ta Gobolka Awdal.cabashadan oo u muuqata mid si qoto dheer loo baadhay ayaa lagu sheegay in 73% Kuraasta Dalka ay haystaan Beesha dhexe(Isaaq) inta kalena Beelaha darafyada iyo qaybaha kale ee bulshada.

 

Qoraalka cabashada ah ee madaxda dhaqanka reer Awdal waxay tilmaameen in Golaha Wasiirrada xukuumadda oo tiradoodu dhan tahay 43 xubnood (wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo wasiirul-dawlayaal) ay ku leeyihiin 5 xubnood oo keliya, halka 26 xubnood u dhasheen degaannada gobollada dhexe (Isaaq), iyadoo 12 xubnood oo ka tirsan yihiin qaar qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland (aan ahayn Isaaq iyo Gadabuursi). Waxa kaloo ay xuseen inay 13 mudane oo qudha ku leeyihiin Golaha Wakiillada oo ka kooban 82 xildhibaan, beelaha dhexena (Isaaq) leeyihiin 56 mudane, 13-ka kalena ka soo jeedaan degaannada kale ee dalka.

 

Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa sidoo kale qoraalka ay u gudbiyeen Madaxweynaha ku doodeen in aanay saamiga ay xaqa u leeyihiin ka helin Golaha Guurtida, hoggaanka sare ee saddexda ciidan qaran (millatariga, booliska iyo asluubta), hay’adaha madaxbannaan ee dawladda, agaasimeyaasha guud, badhasaabada gobollada, wakiillada Somaliland u jooga dalalka caalamka, maamulayaasha cashuuraha berriga, bangiyada, kastamada iyo shaqaalaha kala duwan ee laamaha dawliga ah, iyagoo muujiyey inay kalsooni weyn ka qabaan in Madaxweyne Siilaanyo wax ka qaban doono tabashooyinkooda.

 

Odayaasha ayaa Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu jawaab siiyo ka hor shir Beesha Gadabuursi yeelanayso si ay uga shidaal qaataan Qodobada ay kaga hadlayaan ama ka soo baxaya.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qiray Culayska uu leeyadahay Tabashada Awdal “Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi wasiiro ah u magacaabay Qiimaynta iyo xalinta Tabashada Awdal.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY