Somaliland: Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xayirtay Maxjar cusub oo Berbera laga Yagleelayey

0
904
Maxjarka Xoolaha
Maxjarka Xoolaha

Berbera,(HargeisaPress) — Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xayiraad saartay dhul laga samaynayey Maxjar saddexaad oo ay magaaladda Berberi yeelato, kaasoo ay ku shuraakoobeen Ganacsato Xoolaha Dhoofisaa.
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha HargeisaPress ,waxa ay Maxkamaddu xayirtay Maxjarkan oo muddo socday, kaasoo uu hore u daadifeeyey Isuduwaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Gobolkaasi.
Warku waxa uu intaas ku daray in isla goobta Maxjarka laga joojiyey ay la wareegeen Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland, halkaas oo la sheegay in uu ku sii jeedo Taliyaha Ciidankaasi.
Sidoo kale, warka wariyuhu soo diray waxa uu intaas raacinayaa in saddex baabuur oo Landcruisero ah oo ay lahaayeen ganacsatada Maxjarka dhisanaysay laga xayiray kuwaas oo uga soo degay Dekedda Berbera.
Goobta la isku haysto oo ahaan jirtay Xeradii Ciidanka difaaca ee Lama galaay ayaa ah goob ku taala duleedka magaalo xeebeeda Berbera, halkaas oo la sheegay dawladda Hoose ee Berbera inay u sharciyeysay dad shicib ah, kuwaas oo ka Iibiyey ganacsatada Maxjarka ka samaysanaysay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here