Somaliland: Maxkamad Xukuntay In Muwaadin Dhagax Lagu Dilo

0
1277

Hargeysa —Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhalliilay habka uu u dhacay garsoore nin ku xukumay in dhagax lagu dilo gabadh curyaamad ahna 100 jeedal lagu dhufto kadib kiis labada qof u dhexeeyay oo ku saabsana kufsi.

Waxa uu sheegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan.

Qoraal uu arrintan kaga hadlay garyaqaan Guuleed Dafac ayaa u dhigna sidan:-

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada oo aan dacwad ciqaabi hor ool, eed xeer-ilaalin soo gudbisay hayn, dhegaysi dacwad ciqaab ah qaadin ayaa magaalada Hargeysa ku xukumay nin in dhagax lagu dilo, gabadh kufsi ka cabanaysayna in 100 jeedal lagu dhufto. Garsooruhu isagaa isku xeer-ilaaliye iyo garsoore ba noqday. Mana uu eegin in maxkamadiisu awood u leedahay iyo in kale in qof dil lagu xukumo. Umana daynin hay’adaha sharci baadhista, iyo xeer-ilaalintu inay shaqadooda qabsadaan oo ogaadaan wixii dhacay iyo in gabadha curyaanta ah ee soo cabatay ay dulman tahay iyo in kale. Maragna muu qaadin.

Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday. Baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhex marin noocay doontee ha noqotee. Inantii uur ayay qaaday. Qareenkeedii waxaay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA da ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwad ba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag. Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya.

 

LEAVE A REPLY