Somaliland: Maktabada Gabiley Public Library Oo la Dhagax-dhigay iyo Wasiira ka soo qayb galay

0
1106

Gabiley,(HargeisaPress) —Waxa magaalada gabiley laga dhagax-dhigay Maktabada Umada ee Gabiley waxaana lagu qabtey hoolka shirerka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Munaasibad lagu iba-furayey laguna Soo ban-dhigay naqshadiisa ama qaab-dhismeedkiisa, Madasha waxa ku sugnaa Wasiirada Wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska, Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada, Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta iyo waliba wasiir-ku-xigeenka maaliyada, Dhinaca Degmada Duqa degmada gabiley iyo badhasaabka gabiley, Sidoo kale waxa munaasibada ku sugnaa Gudida Dhismada maktabada gabiley iyo Gudoomiyahoogii iyo intii ugu mudnayd oo ah qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Madasha manta waxa ka boqranaa laba hay”adood oo dawliya kuwaasoo kala ah Dawlada Hoose ee degmada gabiley iyo Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska jamhuuriyada Somaliland, kuwaasoo ku kala lahaa xadi miisaaniyadeed oo 100,000$ dawlada hoose iyo Wasaarada oo aheyd 200,000$,Gaba-gabadii waxa uu duqa degmada gabiley Mudane: M-aamiin cumar cabdi ku wareejiyey Gudoomiyaha gudida.

HALKAN HOOSE KA DAAWO GUDOOMIYAHA GABILEY PUBLIC LIBRARY

 

Suxufi Khaalid Mahamed – HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here