Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo xilalkii ka qaaday badhasaabkii Oodweyne iyo ku xigeenkiisii, kuwo cusubna magacaabay –

0
1303

siilaanyo-21Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa galabta bacda afurkii xilkii ka qaaday badhasaabkii gobalka Oodweyne Md. Jamaal Xuseen Hure iyo ku xigeenkiisii Faarax Cabdi Xasan, isagoo laba masul oo cusubna xilalkaas u kala magacaabay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxa badhasaabka Oodweyne loo magacaabay Md. Cali Cawil Cabdi, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Md. Maxamuud Cali Axmed. Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,

 

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagadan,

 

Markuu La Tashaday:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wuxuu go’aansaday

 

 

In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

 

  1.       Ku:      Mudane, Jamaal Xuseen Hurre

            Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh   

 

  1.       Ku:      Mudane, Faarax Cabdi Xasan

            Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh     

 

Mudanayaal,

 

Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here