Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo Abaalmarino Guddoonsiiyay Arday ku Guuleystay Tartan Qur’aan + SAWIRRO

0
1165

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xalay xarunta madaxtooyadda afur ugu sameeyey ardaydii ku guulaystay tartanka quraan akhrista Somaliland iyo culimaddii tartanka u qabanaysay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu gaadhii noociisu yahay TOYOTA NOAH gudoonsiiyey wiilkii ugu sareeyey Ardaydaasi ee kaalinta koowaad ku guulaystay, kaalinta labaad, saddexaad iyo Afraad.

Waxaana afarta kaalin ee ugu horreysa u kala galeen sidan:

1. Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex,
2. Shucayb Maxamed Cabdullaahi oo ka socday gobolka Sool
3. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ka socday gobolka Togdheer,
4. Jamaal Cabdinaasir Xuseen oo ka socday gobolka Maroodi-Jeex

Sidoo kale, culimaddu waxay madaxweynaha gudoonsiiyeen kitaabka Quraanka kariimka ah iyago ku maamuusay maalgalinta tartankan ardayda loo sameeyey.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu la kulmay wafti ka socday shirkada Shirkada Bollare ee shaqadeedu tahay horumarinta dakadaha, kuwaas oo uu saldhigeedu yahay Dalka France.

Kulankan oo ahaa mid saxaafadu ay dibad Joog ka ahayd ayaa ka dib markii uu soo soo dhamaaday waxa warbaahinta uga warbixiyey wax yaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis.

“Maanta waxaanu halkan aanu ku soo dhawaynay shirkada la yidhaahdo Bolore ee dakada Berbera nagala shaqaynaayey,sida aad ula socotaana shirkadani dhawr goor ayaa ay halkan noogu timid, waana shirkadaha caalamka ugu wayn xaga Dakadaha,waxaana ay ka yimaadeer Itoobiya oo ay la soo kulmeen Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ah meesha aynu doonayno in aynu ka iibino alaabta haddii ay Dakadeenu ay shaqayso ama ay dhamaato,waxaanu hadda ka wada hadalnay sidii aanu hore ugu sii wadi lahayn, marka maanta intaas ayaa ay u socdeen in ay Madaxweynaha ay ogaysiiyaan”ayuu yidhi wasiir Biiixi oo ka hadlayey ujeedada weftigan.

Madaxweynaha Shirkadaasi Mr Dominique Lafont oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka shirkad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay noqdaan shirkada ka shaqaynaysa horumarinta dakada Magaalada Berbera si ay u noqoto dakad hogaamin karta geeska afrika, waxaana uu sidoo kale uu tilmaamay in ay hadda ay u yimaadeen in ay madaxweynaha ogasysiiyaan in ay bilaabayaan hawsha horumarinta dakada Magaalada Barbera.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here