Somaliland: Madaxweyne-ku-xigeenka oo Ceeb Qaran ku Sifeeyey Doorasho La’aanta Golaha Wakiillada iyo Guurtida

0
1098
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay muddada dheer ee Guurtida iyo Wakiilladu ku fadhiyaan bilaa doorashada + baaq uu u diray bulshada reer Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaciyey in dib-u-dhacyada sababay muddada aadka u dheer ee Golayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) fadhiyaan kuraastu ay bar-madow iyo ceeb ku tahay qaranka Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February maanta, waxa uu sheegay in Golaha Wakiilladu ay meesha fadhiyaan muddo u dhiganta saddex jeer muddo-xileedkooda ah shanta sanno, maadaama ay xilka hayaan laga soo bilaabo markii la soo doortay oo ahaa sannadkii 2005-ka, halka Golaha Guurtiduna fadhiyaan in ka badan 26 sanno.

“Qaranka Somaliland maanta waa ku ceeb in Hay’addii Sharci-dejinta oo maraysa saddex muddo-xileed oo ah 15 sanno oo imminka waa 14 sanno. Markaa dimuqraadiyaddeena waxa ay ku tahay bar-madow oo ceeb ah oo fool-xun, sababtoo ah dimuqraadiyaddeena waxaynu samaynay in Golayaasha Degaanku is-beddelaan oo waxa aynu samaynay in Madaxweyneyaal isbeddelaan, laakiinse Golihii Sharci-dejintu (Guurtida iyo Wakiillada) inuu midna fadhiyo 26 sanno, midna uu fadhiyo 14 sanno, runtii bar-madow ayey ku tahay qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas ku daray; “Far keli ahi fool ma dhaqdo ee waxa aynu u baahannahay in loo wada diyaargaroobo sidii la isugu wada diyaarin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ciddii wax wanaagsan waddana aad u taageeri lahaydeen, cidda innaga wada carqaladaynaysana aad dhinac uga soo wada jeedsan lahaydeen.”

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale ku baaqay in aanay Golayaasha Sharci-dejintu doonayn inay si dhib yar ku banneeyaan xilalka, sidaa darteedna loo baahan yahay in bulshadu dhinac uga soo wada jeedsato si loo qabto doorashadooda, waxaannu yidhi; “Ninna ma rabo inuu ka kaco kursiga uu fadhiyo, markaa haddii aynaan afkaar midaysan oo isku mid ah ku waajihin golayaasheena (xilka bannayn maayaan) oo ka soo fadhiyey 28 sanno iyo ka fadhiyey 15 sanno, haddii uu fursad (chance) innaga helo inta uu ina yara qayb-qaybin karo ee kolba qolo inoo kala samayn karo ama uu kolba xisbi meel u galaba wuu ku dagaalamayaa si uu kursiga u ceshado, laakiinse waxa ka kicin kara waa qaranka oo garta.”

Geesta kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa ka hadlay muhiimadda ay qaranka u leedahay xuska maalinta dhallinyarada oo sannad walba la qabto 20-ka bisha February, waxaannu yidhi; “Runtii waxa ay qaran inoo tahay maalin weyn, waana maalinta loo asteeyey xuska dhallinyarada Somaliland, Adduunyadana dal walba waxa uu leeyahay maalin uu u astaysto ayaahimihiisa muhiimka ah, markaa maalintan loo asteeyey maalinta dhallinyaradu waa mid aad innoogu qiimo badan, waana meesha ku jirta in muhiimadooda la siiyo dhallinyarada oo ah 70% bulshada ku dhaqan Somaliland.”

“Waxa Xukuumad ahaan maanta naga go’an in aannu xoojino ama aannu dhisno awoodda dhallinyarada, idinkuna ku talogala in wixii itaalka iyo awoodda qaranku tahay in aanan waxba la la idinka hagranayn, waana taas la kordhiyey lacagta lagu daro Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, haddana lacagtani wax badan ma qaban karayso oo waxa aynu u baahannahay in la helo dhaqaale fara badan,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxa kaloo uu tilmaamay in loo baahan siyaasad iyo shuruuc lala yimaado oo xudun u noqda in si ballaadhan loo wada maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, waxaannu yidhi; “Lacag kasta oo la abuurayo oo ummad ka dhexaysaa waxa ka horaysa inta aan la isticmaalin in la samaysto siyaasaddii lagu maamuli lahaa oo haddii aan siyaasad iyo shuruuc loo samayn waxa uu innagu noqonayaa wax ina khariba, waayo lacagtu way dhib badan tahay oo way eed badan tahay, markaa waxa kow ah oo aanay innaga wadayn in la helo siyaasaddii lagu maamuli lahaa.”

“Dadka aynu imminka canaananayno ama aynu wax ka sugayno, waxa ay qudhoodu sugayaan oo ay eegayaan shuruucda loo sameeyo sanduuqaas oo haddii ay arkaan shuruuc iyo siyaasad wanaagsan oo loo dejiyo, hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatadu waxa ay ku dhiiran doonaan inay sanduuqaas lacagta ku shubaan, laakiin inta aanay arag in nidaamka lagu maamulayo uu yahay mid daah-furan oo siyaasaddii lagu maamulayeyna ay bannaanka timaado dadku kuma soo dhiiranayaan, taasina imminka way dhadhawdahay in la sameeyo Guddidii maamuli lahayd iyo siyaasaddii lagu maamuli lahaaba, taasoo noqon doonta mid daah-furan oo u dhexaysa dhallinyarada Somaliland oo dhan oo qaab furan loogu tartamo.”

Md. Cabdiraxmaan Saylici, ayaa iftiimiyey in lacagaha la doonayo in la dhigo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu ay tahay dhaqaale si guud looga wada faa’iidayn doono, waxaannu yidhi; “Lacagtani maaha mid loo qaybinayo dhallinyarada oo uma qaybsamayso, waxaase lala iman doonaa afkaar oo fikir ayey la iman doonaan dhallinyaradu ay ku dhisayaan ama ay dhaqaale ku abuurayaan, taas ayaana iman doonta, kadibna si daah-furan ayaa loo maamuli doonaa.”

Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenku uu ku dhiirigeliyey dhallinyarada in dhinacooda ay la yimaadaan dedaal ay kaga faa’iidaysanayaan waqtiga dhallinyaranimo ee ay haystaan, kana digtoonaadaan in aannu waqtigu kaga lumin balwado, qabyaalad iyo waxyaabo aan manfac u lahayn naftooda iyo qaranka Somaliland.

“Waa in aad noqotaan dad u diyaar ah inay dalkan wax ka beddelaan …waxa la yidhi; ‘Cidda Ilaahay wax siinayo dadkeeda ayuu siiyaa.’ Haddii dhaqaale iyo lacag la helo, balse aan la hayn dadkeedii meelna gaadhi maayo, markaa waxa aynu u baahannay in aynu gacmaha isku qabsanno in aan wixii xunna ka wada dagaalanno oo wada beddelno, wixii wanaagsanna isku taageerno oo qabyaaladda aynu halkaas iska dhigno (ka gudubno). Isbeddelka waxa sameeya dhallinyaro waddaniyiin ah oo figrad saliim ah wada leh oo wax wada qaba,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here