Somaliland: Madaxweynaha 5aad ee si Dumuqraadi ah loo Doortay oo Xilka si Rasmi ah Loogu Dhaarinayo Maanta

0
1454
Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabd

26-ka sanno ee Somaliland jirtay waxa xilka la kala wareegay saddex Madaxweyne oo doorasho dadweyne ku soo baxay iyo laba madaxweyne oo si dadban loo soo xusay + Madaxweyne-ku-xigeennada la soo shaqeeyey

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha 5aad ee si dimuqraadi ah loo soo doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah loogu dhaarinayaa Arbacada maanta oo ay taariikhdu tahay 13 December 2017, kadib marka uu masuuliyadda kala wareego Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.

Muddada 26-ka sanno ah ee ay Somaliland ka madaxbannaanayd Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii, waxa xilalka Madaxweynenimo la kala wareegay shan masuul oo laba ka mid ah lagu soo xushay si dadban (shirar beeleed), halka saddex Madaxweyne lagu soo doortay nidaam dimuqraadi ah oo ay dadweynaha muwaadiniinta ah codkooda ku soo xusheen, kuwaas oo uu ugu dambeeyey Md. Muuse Biixi Cabdi oo xilka la wareegaya maanta.

Haddaba, wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa iyo bulshada reer Somaliland halkan ugu soo gudbinayaa shanta Madaxweyne ee soo maray talada dalka iyo sidoo kale madaxweyne-ku-xigeennada la soo shaqeeyey, kuwaas oo kala ah;

  1. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)

Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xilka hayey intii u dhexaysay 28 May 1991 ilaa 16 May 1993-kii, iyadoo marxuumku uu dhashay dhashay sannadkii 1931, wuxuunna geeriyooday 8 November 2003.

  1. Maxamed Ibraahim Cigaal

Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Madaxweynihii labaad ee dalka Somaliland, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii 1aad marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaannu marxuum Cigaal xilka madaxweynenimo hayey sannadihii 1993 ilaa bishii May ee sannadkii 2002.

Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay degaanka Oodweyne ee bariga Somaliland sannadkii 1928-kii, wuxuunna dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday 3 May 2002-kii, isagoo weli hayey xilka Madaxweynenimo ee qaranka Somaliland, iyadoo lagu aasay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

  1. Daahir Rayaale Kaahin

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ah Madaxweynihii 3aad ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa xilka lagu wareejiyey sannadkii 2002-kii, kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii labaad marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, isagoo sidoo kale hore u soo hayey xilka Madaxweyne-ku-xigeenka, kadibna waxa lagu doortay doorashadii Madaxtooyada ee markii u horaysay si toos ah uga qabsoontay Somaliland taariikhdu markii ay ahayd 14 April 2003, waxaannu xilka Madaxweyne hayey ilaa 27 July 2010, waqtigaas oo uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweyne Axmed  Silaanyo oo ku guulaystay doorashadii labaad ee Madaxtooyada Somaliland oo qabsoontay 26 June 2010-kii.

Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku dashay magaalada Qol-ujeed ee Gobolka Awdal sannadkii 1952-kii, isagoo hadda degan dalka Faransiiska ee qaaradda Yurub, balse waxa lagu soo marti-qaaday inuu goob-joog ka noqdo xafladda ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynihii isaga beddelay iyo madaxweynaha cusub ee Somaliland, xafladaas oo xarunta Madaxtooyada ka qabsoomaysa Arbacada maanta.

  1. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waa madaxweynihii afraad ee soo maray xukunka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna cod dadweyne lagu doortay 26 June 2010, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii 3aad Md. Daahir Rayaale Kaahin taariikhdu markii ahayd 27 July 2010, iyadoo uu Md. Axmed Silaanyo xilka qaranka hayey ilaa maanta oo ah 13 December 2017, waxaannu xilka ku wareejiyey Madaxweynaha 5aad ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maanta loo dhaarinayo xilka qaranka. Md. Axmed Silaanyo waxa uu ku dhashay Gobolka Togdheer sannadkii 1930-kii.

  1. Muuse Biixi Cabdi

Md. Muuse Biixi Cabdi oo degaanka Hargeysa ku dhashay sannadkii 1948-kii, waxa uu taariikhda ku galay inuu noqdo Madaxweynaha 5aad ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13 November 2017, waxaannu Arbacada maanta oo taariikhdu tahay 13 December 2017 uu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii 4aad Md. Axmed Maxamed Silaanyo.

Labada Madaxweyne ee sida dadban loogu doortay Madaxtinimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kala ahaayeen;

  1. Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali
  2. Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal

Saddexda Madaxweyne ee codka dadweynaha sida dimuqraadiga ah loogu doortay waxa ay kala yihiin;

  1. Daahir Rayaale Kaahin
  2. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)
  3. Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne-ku-xigeennada soo maray Somaliland

  1. Madaxweyne-ku-xigeenkii u horeeyey Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac oo la soo shaqeeyey Madaxweynihii u horeeyey marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali
  2. Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo la soo shaqeeyey Madaxweynihii labaad ee dalka marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal
  3. Madaxweyne-ku-xigeenkii saddexaad Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isna la soo shaqeeyey Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, iyadoo uu Daahir Rayaale soo qabtay xilalka Madaxweyne-ku-xigeenka iyo madaxweynaha
  4. Madaxweyne-ku-xigeenkii afraad ee soo maray Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, wuxuunna la soo shaqeeyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
  5. Madaxweyne-ku-xigeenka shanaad ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wuxuunna la soo shaqeeyey Madaxweyne Axmed Silaanyo oo xilka wareejinaya maanta, waxa kaloo uu markiisii labaad noqonayaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isagoo la sii shaqayn doona Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa xusid mudan in dhammaanba masuuliyiinta soo qabtay xilalka madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 December 2017 ay nool yihiin, lana filanayo inay goob-joog ka noqdaan xafladda xil-wareejinta ee maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY