Somaliland: Maayirka Caasimadda Hargeysa Oo Digniin U Diray Sandaqadaha Laga Hor Dhistay Guryaha Ee Waddooyinka Xidhay

0
976

Hargeysa(HargeisaPress) – Maayirka Caasimdda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa dadwaynaha caasimadda uga digay inay wadooyinka ka dhex dhisaan sandaqaddo, isla markaana amar ku siiyey in maalin walba xaafadda la mari doono oo la dumin doono dukamaadda laga hor dhisto guryaha hortoodda.
Maayirku sidaas waxa uu ka sheegay mar uu maanta kormeer ku tagay wadadda weyn ee isku xidhi doonta xaafadda Daami iyo Goljano oo dhismaheedda la wado, isla markaana la burburiyey dhamaan dayrarkii iyo sandaqadihii soo galay wadadda.
Sidoo kale, waxa uu maayirku sheegay inay wakaaladda Biyaha iyo warshadda Laydhka ka wada shaqaynayaan sidiii biyaha jabay iyo Biraha Laydhka ku dumay hawlgalkaaasi loo samayn lahaa, isla markaana xaafaduhu aanay u waayin biyo iyo laydh inta hawlgalkaasi wadooyinka lagu samaynayo lagu guddo jiro
“waxaynu joognaa wadadii xaafadaha Daami iyo Goljano isku xidhaysay, taas oo hadda la waddo isla markaana la dhigayo camuuddii lagu dhisayey, waxaana soo kormeeray siday hawshu u socoto iyo dadweynuhu sidii ay ula shaqayn lahaayeen shaqaalaha dawladda hoose ee hawshaasi ku gudda jiro”ayuu yidhi maayirka oo ka hadlayey wadadan cusub ee ay ka hawlgaliyeen xaafadaha Goljano iyo Daami oo noqonaysa waddo halbawle u ah isku socodka shacabka.
Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa digniin u diray dadka sandaqaddo ka hor dhistay guryahoodda hortoodda iyo kuwo suuqqa dhexe ka hor samaystay meheraddo, waxaanu yidhi “magaaladda meel kasta oo ay tahay sandaqad ku taalla meel sharci daro ah waanu duminaynaa maalinba meel baanu ka bilaabaynaa, waxaan leeyahay kuwo badhtamaha suuqa barandayaasha ka samaystay, dhamaantiin iska sii wadda furta, muddo todobo cisho ah ayaan idinku darnay walaahi inaga nabadgali mayso sandaqad laga dhistay meel sharci daro ah ee imika ka sii fujista yaan la idin sheegin yaan la odhan, dadka tukaamada ka furtay guryahoodda hortoodda waxan leeyahay qof walowba gurigaaga ka dhexsamayso tukaanka ”
Maayirku ma uu ka hadlayey xaga biyaha iyo beebabka jabay waxa uu yidhi “ xaga biyaha waxa nooga qorshaysan Wakaaladda biyaha iyo kuwo laydhka, laakiin mararka qarkood ayey dhacaan dib u dhac, Wakaaladda biyaha waanu wada shaqaynaynaa, qaybta Goljanana qaybaanu ka bixinaynaa wakaaladda biyuhu si aanay dadku biyo la’aani ugu dhacin, laakiin wadadan muddo lama marin lix sano ugu yaraan lug mooyee gaadhi muu mari jirin, marka way ka iman karta marka la samaynayo inuu Beeb jabo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here