Somaliland: Maayarka Hargeysa oo Dhagax-dhigay Xarun Cusub oo Dab-damis + SAWIRRO

0
1535

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa, (HargeisaPress) — Maayirka Hargeysa iyo xubno wasiiro ayaa dhagax dhigay xarun dab-damis oo ay yeelanayso caasimadda Hargeysa, kaas oo lagaga gurman doono waxyeeladda dabku dhaliyo.

Dab-damisyaddan ayaa waxa isla kaashaday dawladda hoose iyo madaxweynaha Somaliland, kuwaas oo ugu talogalay inay xaafaddaha magaaladda Hargeysa u yeelan lahaayeen Dab-damis yareeya khasaaraha dabka uu dhaliyo oo masiibo xoogan ku hayey guud ahaan Somaliland.

Maayirka Caasimada Hargeysa Md:Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in mashruucan ay isla kaashadeen dawladda hoose iyo madaxweynaha, sidoo kale ay ku darsadeen ganacsadda suuqa waaheen ee magaaladda Hargeysa.OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Runtii Dab-damiskan la soo iibayey waxa lacagta Bixiyey Madaxweynaha Somaliland iyo dawladda hoose ee Hargeysa, lacagtaasi oo ah 260,000 oo Dollar, Dawlada Hoose waxay bixisay 100,000, iyo Suuqa Waaheen oo bixiyey 20,000 oo Dollar, xaruntani waa xaruntii Dabdamiska ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo aanu sameynaynaa Afar xarumood oo daafaha magaalada laga dhisi doono oo dabdamisku la geyn doono, waxa kale oo aanu labbada Suuq ee Waaheen iyo gobanimo u sameyn doona Labba Dhuummod oo waaweyn oo biyo soo qaadda si dabka degdeg loogu bakhtiin karo, waxa kale oo aanu keenay qalabkii bakhtiinayey haddii uu shiidaal Gubto.”ayuu yidhi Maayir C/raxmaan Caydiid.

Sidoo kale, maayirku waxa uu sheegay in dhulkan uu bixiyey madaxweynuhu, isla markaana uu yahay dhulkii shacabka ee dawladdu lahayd. Waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mid ah gudida horumarinta caasimada, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay soo iibinta dab-damiskan.

“Runtii Waxa maanta nasiib u yeelatay in caasimadii Dalka ee Hargeysa ay keento dab-damis xukumadu, runtii waa waxyaabaha ilalahay aanu ugu mahadinayno, ummadana in aanu waxa u qabanay ay arrintani ay cadeynaysaa, runtii hawshani waa mid balaadhan oo wax badan soo kordhisay, runtii qalabkan markii ugu horeysay ee la keenay dalka waxa lagu soo bandhigay Xuskii 18 –May”ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Samaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed (Warancade) ayaa bulshada u diray Farriin ku aadan hawsha Dabdamiska oo uu tilmaamay in aanay baabuurta goob walba joogin sidaasi daradeed haddii Baabuurtu ka soo habsaamaan in aanay dadku shiidin iyaga oo ka xanaaqsan raagida laga raagay, waxanu tilmaamay in inta lahelayo Baabuur dabdamis oo xaafad walba yaala ay dadku u samraan oo aanay Dadka dabka la dagaalamaya aanay dhibaato kala hor iman, waxa kale oo Wadayaasha Baabuurta ugu baaqay in marka ay Maqlaan Dhawaaqa Baabuurta Dabdamiska, Kuwa Caafimadka ee Ambalaaska iyo Booliska in ay waddooyinka loo baneeyo, si hawsha ay ku degdegayaan ay hore ugu gaadhan, cidii amarkaasi ka hor timadana ay talaabo cadka qaadidoonan.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan dab-damis ayaa ahaa mashruucii ugu balaadhnaa ee ay si wada jira uga soo wada shaqeeyaan dawladda hoose iyo dawladda dhexe, kuwaas oo soo iibiyey gaadiid faro badan oo dab-damisyo kala duwan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY