Somaliland: Maayarka Gabiley Oo Hor Tagay Guddida Illaalinta Hantida Qaranka Wakiilada, Kana Hadlay Mooshin Ka Dhan Ah

0
976

ShucaybHargeysa,(HargeisaPress) — Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiilada kulan kula qaatay Guddida ilaalinta Hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa. Kulanka ayaa guddidu xogwaraysi kala yeeshay Arimaha shaqadiisa khuseeya.

 

“Kolay waa kulamo ay ku mari doonaan guud ahaa degmooyinka dalkoo dhan, waxay naga xog waraysteen wixii noo qabsoomay mudadii aanu xilka haynay, wixii aan qabsoomin, caqabadaha na hortaagan inahaas ayaanu iska waraysaynay oo ay wax naga waydiiyeen” ayuu yidhi Maayarka Gabiley

Maayarka oo la waydiiyay Aragtidiisa ku aadan in wakhtigan Goleyaasha degaanku xilka ka qaadi karaan Maayarada ka dib markii wakhtigeedu dhamaaday digreeto sanadkii hore lagu soo rogay oo ahayd inaan maayarada xilka laga qaadi Karin waxa uu yidhi “Horta Goleyaasha degaanku xaq bay u leeyihiin inay is-doortaan, waayo? Maayarada maanta jooga waa xubno xildhibaano ah oo aan waxba dheerayn golaha intiisa kale. Markaa marka horena iyagaa doortay, hadii ay imika ka qaadana waa wax sharcigu u ogolyahay, wax mushkilad ahina ma jirto, Ilaahay baana Og cida ugu horayn doonta iyo siday wax noqon doonaan”

 

Maayarka ayaa sidoo kale la waydiiyay Mooshin la sheegay in Golihiisu damacsan yihiin inay xilka kaga qaadaan maalmaha soo socda “Ma Ogi mooshin iyo hawlahaasi, laakiin Mooshinadu si sharci ah ayay u dhacaan, waana wax sharci ah, waxaana muhiim ah in sharciga uun la maro laakiin, anigu ilaa wakhtigan waxba kama ogi”Ayuu yidhi Duqa Gabilay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here