‘Somaliland Maanta Awood ayey u Leedahay inay Qarankeeda Difaacdo’ Wasiir Saleebaan Cali Koore

0
1646
Wasiir Saleebaan Cali Koore

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay maanta awood buuxda u leedahay inay qarankeeda difaacdo, cidna aanay u daba-fadhiisan arrimaha masiiriga ah ee qaranka Somaliland.

Md. Saleebaan Cali Koore oo hadal ka jeediyey kormeer uu ku maray mashaariic laga hirgeliyey Gobolka Maroodi-jeex shalay, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland inay wadahadal la yeelato Soomaaliya, waxaannu naqdiyey hadalka soo baxay Ra’iisal-wasaaraha Dawladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya, kaasoo uu kaga soo horjeeday heshiiska maalgashiga dekedda Berbera.

“Madaxweynaha ummadda Somaliland, waxa uu ku dhawaaqay inuu rabo ama ogolyahay in miiska la wada fadhiisto oo la wadahadlo, laakiin wixii uu xalay (habeenkii Jimcaha) ku hadlayey waxay ahayd olol iyo dabshid hor leh iyo cuno-qabatayn iyo xumaan uu ummadda Somaliland ula badheedhay, waxaannu u muuqday qof aan lahayn awood uu ku sameeyo wadahadal uu miiska ku fadhiisto, waxaan leeyahay Somaliland cidna uma baahna oo waa dal ummaddii lahayd ay ka shaqaysanayso, cid kastaana xuquuqdeeda, dalkeeda, deegaankeeda, cirkeeda iyo dhulkeedaba iyada ayaa leh. Somaliland maanta awood ayey u leedahay inay qarankeeda difaacdo, laakiin ummadda Somaliland way ogoshahay miiska wadahadalka sida uu Madaxweynuhu sheegay iyada oo qaran madaxbannaan ah,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland.

Waxa kaloo uu Md. Saleebaan Cali Koore sheegay in Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya yahay nin aan wax aqoon ah u lahayn taariikhda Somaliland ee soo taxnayn ilaa waqtigii ay Boqortooyada Ingiriisku ka talinaysay dhulkan Somaliland.

“Waxa aan maqlay nin Ra’iisal-wasaare sheeganaya oo ka hadlaya heshiiskii DP World, Somaliland iyo Itoobiya ay ku galeen magaalada Dubai. Waa nin yar ninka hadlayey oo aan xogogaal u ahayn ummadda Somaliland iyo taariikhdii ay lahayd iyo wakhtigii ay ummaddani ahayd dal gaar ah oo sideeda isku maamula, haddana ay tahay. Waxa aannu ogayn in Ingiriisku uu sannadkii 1938 ilaa 1943 la odhan jiray Tranship, wixii Somaliland ganacsiga iyo lacagtaba ka heshay inay ahayd wixii ka soo degi jiray Dekedda Berbera ee gali jiray Itoobiya, wax badana muu akhriyin. Somaliland waa waddan xor ah oo xalaal ah oo xuduudihiisa leh oo muddo ka badan 78 sannadood ay maamulaysay dawladda Ingiriisku, waana waddan xuduudihiisa iyo sharciyadiisa leh,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Cali Koore.

“Waxa aan moodayey inuu ka duwan yahay hab-dhaqankii hore ee Soomaalida ahaa ee madaxdii 60-maadkii (1960s) qaabkii ay u hadli jireen, waxaan moodayey nin aqoon leh oo la jaan qaadaya xaaladda casriga ah ee waqtigan taagan,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyaha ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here