Somaliland: Kulan Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ah iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Kala Kacay

0
1157

BREAKING-NEWS-LOGO-3Hargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan saacaddo badan qaatay la yeeshay Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka iyo gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, kulankaasi ayaa lagaga wada hadlayay Xeerarka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha Doorashada Oo Mucaaradku danaynayo iyo Diwaan galinta muwaadinka oo Xukumaddu danaynayso.

Wararka laga helayo Kulankaasi oo ilaa duhurkii socday ayaa sheegaya in Mucaaradka iyo Madaxweynuhu isla fahmi waayeen qaabka loo dhigay labada xeer diwaan galineed.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in la kala madaxbanaaneeyo Diwaan galinta Muwaadinka iyo diwaan galinta Codbixiyeyaasha, kuwaasi oo ay doonayaan in si siman la isku barbar wado.

Hase ahaatee Xukumadda ayaa labada xeer oo is huwan u gudbisay Golaha wakiilada, iyadoo ay ku jirto Shuruud ah inaan qof aan qaadan Kaadhka Muwaadinimo aanu qaadan Karin Kaadhka Codbixinta. Shuruudaasi ayay Mucaaradku ku doodayaan inay dib u dhigayso Doorashada oo Muwaadiniintu intay helayaan kaadhka Aqoonsigau wakhti badan qaadanayso.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Mucaaradka  u sheegay in qaabka Wasaaradda Daakhiligu u gudbisay ee ah in labada xeer la isku daro islamarkaana Diwaan galinta Madaniga ah la dhamays tiro ka dibna la bilaabo kaadhka Codbixinta uu taageersan yahay.

Mucaaradka ayaa la filayaa inay Mawqif adag iska taagaan sida Xukumaddu u wado Xeerarka doorasho oo midna Komishanku gudbiyay midna Wasaaradda Arimaha guduhu waday oo Xukumaddu isku dartay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY