Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Tababar usoo xidhay Hawl-wadeenadooda Burco

0
838

Burco , (HargeisaPress) — Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Hawl-wadeenadooda Gobolka Togdheer tababar ugu soo xidhay Magaaladda Burco, waxaanay sidaas ku sheegeen war-saxaafadeedkan.

 

WAR-SAXAAFADEED

Maanta oo ay Bisha Oktoobar tahay 11 ee sanada 2015 waxa tababar ugu xidhmay magaalada Hargeisa 13 qof oo ka tirsan shaqaalaha Komishanka ee Gobolka Togdheer.  Tababarka oo lagu qabtay xarunta Komishanka Qarnka ayaa waxa ujeedadiisu ahayd u diyaar-garowga Diiwaangelinta dhowaan ka dhacaysa Jamhuuriyada Somaliland.

 

necUjeedada tababarkan ayaa ahaa in Shaqaalaha Komishanka ugu hawl gelaya Degmooyinka Gobolka Togdheer lagu tababaro sidii ay u waajihi lahaayeen hawlaha kala gedisan diiwaangelinta la xidhiidha. Tababarkan oo bilowday Sabtidii, oo laba maalmood ahaa, ayaa wax aka qayb galay xubnaha Komishanka ee degmooyinka Burco, OOdwayne iyo Buuhoodle.

 

Sida laga warqabo Gobolka Togdheer ayaa ah Gobolka ugu horeeya ee Diiwaangelintu ka bilaabanayso dhowaan, iyadoo wacyi-gelintuna ka horayn doonto.  Waxa tababarkani horseed u yahay tababaro is-daba joog ah oo loo qaban doono dhamaan masuuliyiinta KDQ ee heer Gobol iyo mid degmo ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

 

Allaa mahad leh

Komishaneer:

Saciid  Cali Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here