Somaliland: Khilaaf Mar Kale Ka Curtay Wasaarada Warfaafinta Xilli Uu Safar Dibadeed Ku Maqan Yahay Wasiirkii Wasaaradaasi

0
1020

Agaasimihii Guud Ee Cusbaa Mr.Cismaan Ee Wasaarada Warfaafinta Iyo Agaasime Waaxeedkii Maamulka Iyo Lacagta Xasan Muxumed Ayaa La Sheegay Inay Madaxa Iskula Jireen Maalmihii U Danbeeyay Todobaadkani..

Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Shaqaalaha Warfaafinta Isku Dhaca Labadan Xubnood Ayaa La Sheegay In Ay Gundhig U Tahay Awoodda Maamul Ee Wasaarada,Iyo Saxeexa Kharashaadka,Xilli Ay Wasiirkii  Iyo Wasiir Ku Xigeenkiiba 20kii Casho Ee U Danbeeyay Ku Kala Maqan Yihiin Wadanka Canada Iyo Laascaanood..Isla Markaana Ilaa Imika Aan La Haynin Cid Kala Saarta Labadaasi Masuul..

Sida Laga War Qabo Masuuliyada Guud Ee Wasarada Waxa Iska Leh Sharci Ahaan Agaasimaha Guud Oo Ku Yimiday Xilka Dikreeto Madaxweyne.

Hase Yeeshee Agasimaha Maamulka Lacagta Ayaa La Sheegay In Isaga Laftiisana Kolkii Uu Wasiirku U Baxayay Dalka KANADA Oo Uu U Tegay  Arimo Caafimaad, Inuu Kula Sii Dardaarmay Inta Uu Kasoo Noqonayo Socdaalka Inuu Masuuliyada Hawlaha Wasaaradda Isaga Ku Og Yahay…Cid Kale Oo Uu Ka Amar Qaadanayaana Jirin…

Agaasimahan Guud Cismaan Ayaa Noqonaya Kii Sadexaad Ee Khilaafaad Dhex Maro Agasimaha Waaxda Maamulka Oo 11 Sano Xafiiskaasi Joogay…

Agaasimihii Guud Ee Hore Cali Caliyoow Ayaa Hore Uga Tegay Wasaarada Kadib Markii Uu Sidani Oo Kale  Madax Bannaani U Waayay Gudashada Waajibaadkiisii Shaqo,Taasi Oo Ka Socon Waydey Dhinaca Agaasime Waaxeedka Lacagta Oo Dhibaato Culus Ku Haya Shaqada Shaqaalaha Iyo Nidaamka Maamul Ee Wasaarada.

Si Kastaba Ha Ahaatee Khilaafka Kasoo Cusboonaday Wakhti Xaadirkan Xarrunta Wasaarada Warfaafinta Ayaa Noqonaya Mid Sii Dul Buuxiya,Murankii Iyo Isku Dhacyadii Soo Jiitamayay Sanadaha Badan Kaasi Oo Ka Dhigay Hawlihii Wasaaradaasi Kuwo Fashilma,Shaqaaluhuna Awood U Waayaan Habsami U  Gudashada Adeegii Qaran Ee Ay Bulshada U Hayeen,Jillaafada,Khilaafka Iyo Wax Kala Jiidashada Madaxda Wasaaraddaasi Awgeed.Taasi Oo Xataa La Odhan Karo,Waxay Gaadhay Heer Shaqaalihii Kooxo U Qaybsamaan.

Waxaana La Gudboon Madaxweynaha In Maadaama Hay’addani Tahay Muraayadii Qaranka,Isla Markaana Hawllo Miisaankooga Leh U Hayso Dalka,Inuu Baadhis Qoto Dheer Ku  Sameeyo    Ilaha Musiibada Bariisatay Wasaaraddu Kasoo Maaxanayaan,Oo Dabcan Ku Arooraysa Dano Gaar Ahaaneed.

LEAVE A REPLY