Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Soo Gunaanaday Kulan Ay U Qabatay Shirkadaha Waawayn Ee Somaliland + SAWIRRO

0
983

kulan jamacada bader 5Hargeysa,(HargeisaPress) —Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder ayaa maanta soo gunaanaday kulan Aqoon Korodhsi ah oo ay u qabatay Shirkadaha waawayn ee dalka, Aqoon Korodhsigaas oo socday Mudo Sideed Cisho ah ayaa waxa bixinayay Professor Maxamed Yuusuf Iqra oo jaamacaddu soo casuuntay.

 

Kulan kaasi oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Beder ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland,Guddoomiyaha jaamacadda Beder,Aqoon yahan, Culimo iyo Professorka bixinayay aqoon korodhsiga.

Kulan kaasi ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah Beder Professor Mubaariga Ibraahin Aar waxaana uu ka waramay aqoon korodhsigan ay qabteen waxa ay uga dan lahayeen,kaas oo carab in ay soo casuumeen shirkado ay Tiradoodu dhan tahay 30 Shirkadood waxaana uu yidhi”

kulan jamacada bader 4

“Runtii waxa muhiim ah in aynu maanta soo xidhayno tareerin socday Mudo ku siman 8cisho,Tareerin kaas waxa ka qayb galay 30 Shirkadood oo ka kala socday Shirkadaha waawayn ee dalka,waxaana ka mid ah Shirkadaha Telesom,Dahabshiil iyo kaah,Runtiina waxa ay soo dirsadeen Ragii ugu wanaagsanaa,Markaas waxaanu doonaynaa inaanu maanta soo gunaanado Kulan kaasi,Shahadooyina guddoonsiino,Waxaana ladoonayaa in ay aqoontu ku barto afar shay,taas oo macluumaad kaa maqan ku siinaysa,markaad samayso cilmi baadhisna aad fahmi doonto wax badan oo kaa qarsoonaa.

 

Guddoomiyaha Jaamacada Caalamiga ah ee Beder Intarnation Universitay Professor Mubaariga Ibraahin Aar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka shekeeyay aqoonta marba heerka ku gaadhsiiso”

kulan jamacada bader 26

“Waxa laydiinka baahan yahay inaydaan halkaas ku ilaabin aqoonta aad dhiganaysaan ee aad markasta korodh sataan,lakiin hadii aad tidhaahdo waan qalin jabiyay oo halkaas Ayaan ku dhaafayaa,cilmigu sidiisaba ma dhamaado,Cilmigan aad maanta halkan ka barateen waxa uu idinka saacidi doonaa hawlahii shaqo inaad dardar galisaan dadkan si wanaagsan ugu qancisaan waxan laydin soo baray.

 

Dhinaca kale waxa isna kulan kaasi hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyay Professorka bixinayay Aqoon Korodhsiga oo soconayay mudo Sideed Cisho ah Professor Maxamed Yuusuf iqra oo arimahaasi faah-faahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi”

“Ardaydan aan waxa u dhigayay markaan xisaabiyo way dadaaleen wakhtiga ay ka shaqay nayeen iyo wakhtiga ay ku bixiyeen Markaan eego qaar aan aqoon shaqadoodu waxa ay tahay ayaa maanta bartay isla markaas,ku anfacay shaqooyinkii ay hayeen kuna maamulay,Waxaana uu guddoomiyahu idinku dardaaray markaad aqoonta aad barateen,inaydaan halkaas kagaga tagin ee aad sii wadataan,taasina waa hadal muhiim ah oo aqoonta hadii laga tago Iyana halkaas ayay kugu daysaa.

Cadnaan daahir oo ka Socday Shirkada Telesom  waxaana uu ka warbixiyay aqoon korodhsigan waxa ay ka faa’ideen
Cadnaan daahir oo ka Socday Shirkada Telesom waxaana uu ka warbixiyay aqoon korodhsigan waxa ay ka faa’ideen

Professor Maxamed Yuusuf Iqra oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Kolay idinku waxaad tihiin Ragii ugu sareeyay shirkadaha maanta dalka ka buuxa waxaana loo baahan yahay inaad samaysaan baadhis iskuna Miisaantaan xisaabisaana wixii maanta idin soo galay iyo wixii idinka baxay sidaad u ogataan Dhaq-dhaqaaq Shirkada maalinba halka uu taagan yahay,Casharadii ugu muhiimsanaa ee aynu baranay waxa ka mid ahaa sida marba dollarku isku badalo iyo siday ay marba lacagtu u kacdo iyo waxa keena sixir bararka,Maanta way idiin dhamaatay waxaanan rajaynayaa inaan kulamo kale iskugu iman doono.

 

 

Sidoo kale waxa isna kulan kaasi hadalo kasoo jeediyay Arday ka mid ah ardayda ka faa’idaysatay Aqoon korodhsigan kana socday Shirkada wayn ee Telesom Cadnaan daahir waxaana uu ka warbixiyay aqoon korodhsigan waxa ay ka faa’ideen isaga oo mahad naq gaar ah udiray Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder oo iyadu kulan kaasi soo qaban qaabisa,waxaana uu Jaamacadda ku tilmaamay in ay markasta ka qayb qaadato sidii ay Professor Aqoon leh dalka u keeni lahayd waxaana uu yidhi”

“Marka Hore Waxaana Rabaa inaan u mahad naqo Jaamacadda beder oo iyadu kulan kan soo qaban-qaabisay iyo Professorkii Bixinayay Aqoon korodhsiga Professor Iqra oo si hagar la’aan ah casharada noosiin jiray,waxaanan ka faa’idaysanay  aqoon iyo waayo aragnimo aad u badan,taas oo aanu kula noqon doono shirkadihii aanu ka soconay kuna maamuli doono.

Gabo-Gabadii waxa kulan kaasi soo gunaanaday wasiirka wasaarada diinta iyo aw qaafta Somaliland sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaana uu ku dheeraaday kulamada noocan oo kalaa ah waxa ay ardayda iyo aqoon yahankaba ugu fadhiyaa,taas oo ku amaanay jaamacadda Caalamiga ah ee Beder kaalinta muuqata ee ay markasta kaga jirto jaamacaddaha dalka isla markaas heegenka ugu jirto sidii ay marba Professorka ugu caansan dunida ugu soo casuumi lahayd jaamacad ,si ay ardaydu cilmigiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’idaystaan.

Kulan kaasi ayaa dhamaan shirkadihii ka qayb qaadanayay aqoon korodhsigan oo socday mudo sideed cisho ah waxa la guddoonsiyay masuuliyiinta usocday shaahado cadaynaysa  aqoonta ay barteen.

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY