Somaliland iyo Itoobiya oo Isku Raacay Dardar-gelinta Heshiisyadii ay Hore u Gaadheen

0
1386

Addis ababa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire ayaa magaalada Addis-ababa  kula kulmay Dhigiisa dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Workneh Gebeyehu oo xafiiskiisa ku  qaabiley Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo weheliyey  safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Amb. Axmed Cigaal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Cabdiraxmaan Cabdi.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland, Kulankaas ayaa  lagu lagu lafo-guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada  Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga labada dal iyadoo si qoto dheer  ay iskaga xog-waraysteen xaaladda guud ee mandaqada geeska Afrika iyo isbeddelada  ku soo kordhaya.

Sidoo kale waxa labada wasiir isku afgarteen sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal iyadoo si wada jir loo dardar gelinayo heshiiskii dekedda Berbera iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada waddan ee saaxiibka ah.

Wasiir Sacad Cali shire oo maalimihii ugu dambeeyey safaro shaqo ku marayey waddamada galbeedka Afrika ayaa waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta qaar ka mid ah dalalka  galbeedka Afrika gaar ahaan Ghana, Senegal iyo Muritaaniya oo uu wasiirku kaga qaybgalay shirkii midawga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here