Somaliland iyo Ethiopia Oo maanta Heshiis dhanka Iskaashiga horumarka , dhaqaalaha ku saabsan kala saxeexday iyo Nuxurka Qodobada + SAWIRRO

0
1101

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda Somaliland ayaa Heshiis dhanka Iskaashiga horumarka iyo dhaqaalaha ku saabsan la saxeexatay Dawladda Ethiopia. Waxaa heshiiskan saxeexay Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda ee Ethiopia Sufian Axmed oo hogaaminayay Weftiga Ethiopia ee Maalimihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sharaxay waxyaabaha Labada dhinac kawada hadleen islamarkaana ay isla garteen “Waxaanu isla fahanay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn waxyaabaha naga dhexeeya ee ay ka mid yihiin Jidka Isku xidha Berbera iyo Wajaale ee Berbera Koridor,Arinta Korontada sidii ay noogu soo galin lahaayeen maadaama Korontaddoodu jaban tahay taayaduna qaali tahay,waxaanu ka wada hadlay sidii ay Dekedayada Berbera horumarinteeda iyo Isticmaalkeeda uga qayb gali lahaayeen,Madaarka Berbera iyo sidii ay u isticmaali lahaayeen iyo sidii aanu isla eegi lahayn Maalgashiga iyo ganacsiga waxa xagayaga uga imanaya iyo waxa iyaga inooga umanayaba” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda ee Ethiopia Sufian Axmed
Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda ee Ethiopia Sufian Axmed

Dhanka kalena Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay inay labada dhinac magacaabeen guddi farsamo oo ka shaqaynaysa arimaha labada dal iska kaashanayaan,kuwaasi oo hawshooda bilaabaya 8-da bisha soo socota.

Sufian Axmed Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, ayaa isna sheegay in Guddidani dardar galin doonto qodobada labada dal ku heshiiyeen waxaanu yidhi “Waxaanu magacawnay Guddi farsamo oo ka shaqeeya waxyaabaha khuseeya Qodobada heshiiskan,taasina waxay keenaysaa inaanu fulino waxyaabaha aanu ku heshiinay.waxaan filayaa in heshiiska labada dhinac dhaqaalaha labada wadanka dhigi doono mid si wanaagsan isugu soo dhawaada”

Weftiga Ethiopia, ayaa shalay bookhasho ku tagay Dekeda Berbera,Haamaha Kaydka Shidaalka,Madaarka Berbera iyo Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ee Xuduuda labada dal ku taala.waxaanay xalay kulan la yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here