Somaliland: Hogaanka Solja Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Go’aamo Guddida Xallinta Khilaafka Solja Ku Muddaysay Qabsoomida Shirweynaha

0
1029

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha iyo Guddida Fulinta Solja ayaa jawaab adag ka bixiyay Eedaymo iyo faro galin ay sheegeen in Guddidii dhexdhexaadinta Solja kula kacday Ururka ka dib markii guddidu shalay soo saartay Go’aamo lagu qabanayo Shirweynaha Solja.

Gudoomiyaha Solja waxa uu sheegay inaanay la soo socodsiin Go’aamada ay soo saareen iyo inay soo dhex galayaan toona. Waxa uu sheegay in shaqadoodu ku eekayd dhexdhexaadintii hogaanka balse wakhtigan Guddida la kala diray ee Qabanqaabada uu hogaanka Ururku ku filan yahay.

Guddida dhexdhexaadinta Solja ayaa Ururka ku tilmaantay mid aan shaqaynayn islamarkaana aanay jirin cid bixisa Qaadhaanka Xubinimada ee Ururka,cid diwaan gashan iyo hanaan si rasmi ah u shaqaynaya.

Gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf  oo ka hadlaya guddida dhexdhexaadintu waxa uu yidhi “Waxay ahayd inuu Sharcigii ay markii hore noogu gar qaadeen noogu gar naqaan ama ay wax na waydiiyaan bal inaanu anagu khaldanahay iyo in inamadii(Guddidii qabanqaabada) aanu shaqada u diray khaldameen laakiin taasina may dhicin. Xubnahan uu Masabiday ee uu yidhi Qaadhaan may bixina Suxufiyiintu iyagaa ka soo jawaabi doona oo intii qaadhaanka bixisay way joogaan, markaa kuwaa la duudsiyay ee la leeyahay qaadhaankii Ururka may bixin iyo ismay diwaan galin iyagaa hadli doona”

Gudoomiyaha Solja waxa uu sheegay inaanu waxba ka hagran Saxaafadda “Saxaafaddu waxba isuma qariso ee yaan midh la ii qarin Suxufi aan xaasiday hadduu jiro mid aan gacan qabtay mooyee. Waligayo mid aan gacan qabto mooyee mid aan xaasido ma dhicin dhaqanka noocaas ahna ma yeelan oo Inamada nagaga yaryar waligayo maanu xaasidin waanan gacan qabtay runtii intii aan kari karayay”

Gudoomiyaha Solja Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu Guddida dhexdhexaadinta ku Eedeeyay inay u jeedo ka leeyihiin faro galinta Ururka Solja “ in iyadoo U jeedo la leeyahay loo hadlo si Illaahay dartii ka fog waa Xaaraan.Qof waloow-ba waxa Uurkaaga ku jira Illaahay baad la hor tagaysaa, Odayaashayadana Caynkaas kamaanaan filayn.runtii waxay nagu yidhaahdeen anagu ku odhan mayno oo anagu u quudhi mayne laakiin, waxaanu doonayno iyo waxaanu damacsanahay waa loo wada joogi doonaa”

Hogaanka Solja Ayaa sheegay inaanay muraad ka lahayn dib ugu soo noqoshada Hogaanka Solja balse ay danaynayaan wareejinta Ururka oo sida ay sheegeen wakhtigan leh Haykal Urur oo shaqaynaya.

Hogaanka Solja Waxa uu Rasmi Ahaan u kala diray Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Solja oo khilaaf soo kala dhex galay intii ay ku jireen qabanqaabada ka dib markii saddex xubnood iska casishay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY