Somaliland: Heeganka Wasiir Xagl-toosiye Iyo Hagrashada Gududa Abaaraha

0
1422
Wasiir Xagl-toosiye heegan ku jiro saacad kasta

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa aynu la soconaa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Gobolada Buuhoodle,Sool,Togdheer uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodku kaas oo ay wasaarada caafimaadka Somaliland oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ay awoodoodii iskugu geeyeen sidii ay uxakamaynlahaayeen cudurka shuban biyoodka oo kadhashay abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Waxaynu ognahay in hada magaalada buuhoodle uu cudurkaasi kadilaacay haleelayna dadkabadan ilaa 2ooo oo qof halka cisbitaalka daryeel ay galeen dad ku dhaw 1000 qof oo intoodabadan lagudaaweeyey

Cisbitaalka Buuhoodle uu dhisay wasiir xaglotoosiye ayaa umada reer buuhoodle ay ku samato baxday siday sheegeen odayaasha iyo waxgaradka buuhoodle oo aanu waxka waydiinay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), uga mahad celiyay taageerada hagar la?aanta ah eeugu shaqaynayo umadiisa.

Hadaba waxay iswaydiintu tahay gudida abaaruhu maxay kaga qayb qaadatay xaaladan caafimaad ee dalka ka jirta ?

Waxa la ogyahay ina habayaraatee waxtaageero ah ka gaysan dadka dhimanaya ee xanuunadu haleeleen balse ay noqdeen gudida quudinta xoolaha oo kaliya.

Wasiir Xagl-toosiye oo gobolada Galbeedka Somaliland gar ahaan magaaladda Wajaale oo ka mid ahayd meelaha mudooyinkii u danbeeyay cusbitaalka loo jiifiyay dad aad u badan oo uu soo ritay shuban-biyoodku in ay dadkaasi daaweeyeen, isla markaana aanay jirin dad lagu arkay xanuunkaasi taasi oo ay wasaaradda caafimaadku ku kharash garaysay lacago aanay gobolada kale galin.

Wasaaradu waxay ku jirtaa xaalad deg deg ah, oo ah xakamaynta cuduradda ay keenaan abaaruhu. Waxay bilawday dedaal aad u weyn, waxanay daawooyin iyo xirfadleyaal caafimaad gaadhsiisay dhamaanba goboladda dalka, degmo kasta iyo goob kasta, dhamaanba agaasime-waaxeedyadii wasaaradu goboladda ayay ku kala maqan yihiin meelo kala gedisan iyagoo koox kala duwan wata.

Daraf ilaa daraf, dalkoo dhan kooxo ay wasaaradu dirtay ayaa ku wareegaya, daawooyinkii iyo wixii loo baahnaana way gaysay.

Dedaalkaasi faraha badanina waxa uu dhalay inuu Wasiir Xagl-toosiye heegan ku jiro saacad kasta, si  hoos loogu dhigo fiditaanka xanuunadii ay keenayeen abaaruhu, oo ay ka mid yihiin shuban-biyoodka, Oof-wareenka iyo nafo-daridda.”

Geesta kale wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay wasaaradda caafimaadku sii wadi doonto hawlaha lagu xakamaynaayo ka hor tegista iyo daawaynta cuduradda ka dhashay abaarta, Bulshada Gobolada Bariga ayaa si weyn ugu mahad celiyay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen sidii bulshadooda dhibaataysan ugu gargarayaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here