Somaliland: Hay’adda Shaqaalaha Oo Tababar U Qabatay 90 Haween ah

0
1292

Hargaysa (Hargeisa Press): Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa maalmahan magaaladda Hargaysa tababar ugu qabatay 90 gabdhood oo ka mida shaqaalihii cusbaa ee  ku guulaystay tartankii imtixaankii dhawaan  goboladda dalka laga fuliyay.

Gabdhahan tababarka loo qabtay ayaa la barayaa macluumaad la xidhiidha sidii ay ula qabsan lahaayeen goobaha iyo xafiisyadda ay ka shaqo gelayaan iyo sidoo kale qorshaynta iyo hawl qabadyadda maaraynat xafiisyadda dawladda.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaarke Geelle, oo hadal ka jeediyay xidhitaankii tababarkaasi waxa uu ku faahfaahiyay u jeedadda gabdhahaas tababarka loogu qabtay iyo aqoonta la barayay.

Waxaanu yidhi “Waxa maalmihii u dambeeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa ku sugnaa 90-kii gablood ee dhawaan ku guulaystay tartamadii shaqo ee dalka ka qabsoomay, kuwaasoo ka  kala yimid goboladda dalka.

Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira,  qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.

Dhanka kale, intii casharadu socdeen waxay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sida oo kale-na ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw. Iyagoo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba”.

Geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland ayaa bogaadiyay  gabdhaha guulaysteyaasha ah ee gobolka Maroodi-jeex sida walaaltinimadda leh ee ay u soo dhaweeyeen gabdhaha ka yimid goboladda kale ee Hargaysa lagu tababarayay.

“Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dal-jacayl-nimada huwan ee guulaysteyaashii gabdhaha ahaa ee gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen haweenkii  ka kala yimid goboladda kale ee dalka.

Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay si gaar ah u bogaadinayaan dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kal-gacal u muujiyay guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha haweenka ah ee dawladda”ayuu yidhi Sharmaarke Geelle.

Hargeisa Press/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY