Somaliland: Guddida Arrimaha Gudaha ee Wakiillada oo ku Qancay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Cusub

0
869

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey inay ku qanceen in xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka buuxin karaan xilka loo soo xulay kadibn kulan ay kula yeesheen xarunta Baarlamanka maanta.

Kulankan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay xog-warrano la xidhiidha waayo-aragnimadooda shaqo ka dhagaysteen toddobada xubnood ee Komishanka cusub, sidoo kalena, waxay mid mid u qiimeeyeen taariikhdooda waxbarasho (CV).

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddigoodu ku qanacday xubnaha cusubi ay buuxin karaan shaqada Komishanka Doorashooyinka.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sidaad ka war qabtaan cidda ay tahay inay kala reebto, baadho, dabagasho, xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin xubnaha cusub ee Komishanku waa Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada. “Annaga xilkayagu waxa uu ku eegyahay in aannu hubinno xubnahani inay u qalmaan sida sharcigu tilmaamayo inay ka mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka, waanuna isla ogolaanay guddi ahaan inay u qalmaan ama buuxin karaan xilka Komishanka Doorashooyinka.”

Dhinaca kale, Sabtida toddobaadkan oo qorshuhu ahaa in mudanayaasha Golaha Wakiilladu yeeshaan fadhi aan caadi oo ka kooban laba maalmood si loo ansixiyo Guddiga Doorashooyinka ayaa ku beegmay maalin fasax qaran ah oo uu curanayo sannadka cusub ee Islaamku.

Haseyeeshee, Xildhibaan Rayte oo la waydiiyey xilliga goluhu ansixinayo xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa jawaabisteeda uga faa’iidaystay siyaasad ahaan, waxaannu yidhi, “Sabtida ayaa la isugu yeedhay golaha si loo ansixiyo Komishanka, laakiin waxaan maqlayay xildhibaanno badan oo diiddan arrintaas, sababtoo ah waxay diiddan yihiin in Komishanka la ansixiyo, waxaanay u diiddanyihiin in diiwaangelinta iyo doorashadu dib-u-dhacdo, laakiin waxaan filayaa in aanay taasi u suurtogalayn, komishanka waa la ansixinayaa oo hawshooda ayey bilaabayaan.”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here