Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 25-aad

0
909

Golaha_Wakiilada_SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Mudanayaasha Aqalka wakiilada Somaliland ayaa maanta meel mariyay Ajandahooda 25-aad oo xeerar muhiim ah ka kooban. Fadhiga oo uu shir gudoominayay Gudoomiye xigeenka 1-aad ee  Golaha Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray 47 Mudane, kuwaasi oo cod gacan tag ah ku ansixiyay Ajandaha.

Gudoomiyaha oo Cod u qaaday Ansixinta Ajandaha waxaa ogolaaday 42 mudane, 3 mudane ayaa diiday waxa ka aamusay hal mudane gudoomiyuhuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku meel maray Ajanduhu.

Golaha ayaa Ajandahan oo ka kooban 10 xeer ku hawl gali doona inta uu socdo kalfadhiga 25-aad ee Goluhu. Xeerka Codbixiyeyaasha ayaa ka mid ah Xeerarka muhiimka ah eek u jira Kalfadhiga.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here