Somaliland: Garyaqaanka Guud oo Been-abuur ku Sameeey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
979

Hargeysa, (HargeisaPress) —Garyaqaanka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa faafintiisa rasmi ah (Somaliland Republic Official Gazette) ku soo saaray been-abuur ku jira wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Xeer Lr.37/2007 oo aad uga duwan nuqulka saxda ah ee xeerkaas oo baarlamaanka (Gguurtida iyo Wakiillada) ansixiyeen bishii December ee sannadkii 2014, madaxweynuhuna si rasmi ah u dhaqan-geliyey.

 

Buugga Faafinta Rasmiga ah oo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ka soo baxay 03 January 2015, waxa uu waajibinayaa in Komishanka Doorashooyinku soo saaraan liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha laba bilood ka hor maalinta doorashada, arrintaasoo aad uga duwan, kana soo horjeedda wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha baarlamaanku ansixiyey oo dhigaya in liiska la soo saaro lix bilood ka hor maalinta codbixinta doorashada, iyadoo dhacdadan fadeexadda ah muujinayso in Somaliland leedahay laba xeer oo si is-burinaya uga hadlaya arrimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

 

Sida ku cad wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee ku kaydsan qaybta shuruucda ee bogga Golaha Wakiillada ku leeyahay internet-ka, waxa liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha la soo saarayaa lix bilood ka hor maalinta doorashooyinku qabsoomayaan, waxana arrintaas lagu muujiyey qodobadda 7aad iyo 26aad ee xeerkaas, kuwaasoo u qoran sidan;

garyaqaanka guud

Qodobka 7aad

Kaydinta diiwaangelinta iyo soo saarista liiska kama dambaysta ah

1.      Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah kaydinta xafidaadda iyo soo-saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangalinta muwaaddinka

2.      Komishanku waxa xil ka saaran yahay kaydinta, xafidaadda iyo soo-saarista liiska kama dambeysta ah ee diiwaangelinta codbixiyayaasha 6 bilood ka hor maalinta doorasho kasta.

Qodobka 26aad

Habka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

1.      Doorashooyinka Qaranka waxa ka codayn kara oo keliya qof muwaaddin ah oo ku diiwaangashan diiwaanka codbixiyaha.

2.      Liiska diiwaanka codbixiyayaasha waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Qaranka lix bilood (6) ka hor xilliga doorashada.”

 

 

Hase ahaatee, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa faafin rasmi ah ku soo saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeer Lr.37/2007, kaasoo ay ku jiraan qodobo aad uga duwan xeerka diiwaangelinta oo baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ansixiyeen bishii December 2014, madaxweynuhuna ku dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 0413/122014, soona baxay isla bishii December 2014.

 

Sida ku cad buugga faafinta rasmiga ah, cadadkiisii 12aad oo xafiiska Garyaqaanka Guud ka soo baxay 03 January 2015, waxa liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha la soo saarayaa laba bilood ka hor maalinta doorashooyinku qabsoomayaan, arrintaasoo ah been-abuur aad uga duwan xeerka baarlamaanku ansixiyey oo jiddeeyey in liiska codbixiyeyaasha la soo saaro lix bilood ka hor maalinta doorashada.

Haddaba, qodobka 26aad ee wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee lagu soo saaray faafinta rasmiga ah, waxa uu u dhigan yahay sidan;

Qodobka 26aad

HABKA DIIWAANGELINTA CODBIXIYEYAASHA

1.      Doorashooyinka Qaranka waxa ka codayn kara oo keliya qof muwaaddin ah oo ku diiwaangashan Diiwaanka Codbixiyaha.

2.      Liiska diiwaanka codbixiyaha waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Qaranka laba bilood ka  hor xilliga doorshada.

3.      Diwaangalinta codbxiyayaasha laguma xidhi karo lacag lagu bixinaayo ama shuruud kale oo lacageed ama kharash gelinaaya codbixiyaha.

4.

5.      Muwaaddin kasta oo iska diiwaangeliya Komishanka Doorashooyinka Qaranka codbixiye si sharciga waafaqsan waxa la raacaayo Habka Gaarka ah ee Aqoonsiga Codbixiyaha (Unique Biometric Identification) oo ah in sawir la qaado indhaha muwaaddinka.”

Dhinaca kale, qodobka 7aad ee isla xeerkaas, kuna soo baxay faafinta rasmiga ah, ayaa isna u dhigan sidan;

Qodobka 7aad

Kaydinta Diwaangelinta

 

1.      Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah kaydinta, xafidaadda iyo soo-saarista liiska kama dambeysta ah ee diiwaangalinta muwaadinka.

2.      Komishankuna waxa xil ka saaran yahay kaydinta, xafidaadda iyo soo-saaridda liiska kama dambeysta ah ee diiwaangalinta codbixiyayaasha 6 bilood gudahood ka hor maalinta doorasho kasta.”

3.

Is-barbardhigga  labadan xeer, waxa ay caddaynaysaa in farqi aad u weyn u dhexeeyo wax-k-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen, madaxweynuhuna dhaqan-geliyey iyo nuqulka xeerkaas ee ku soo baxay buugga faafinta rasmi ah ee laga soo saaro xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, arrintaasoo ah fadeexad iyo gef laga galay xeerarka dalka, khalad farsamo iyo qaab badheedha midka uu doono ha u soo baxee, waana ceeb dul-hoganaysa Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo faafiya xeerarka ka soo baxa golayaasha dawladda Somaliland.

 

Ciqaabta xeerarka dalka Somaliland u jideeyey cidda beddesha dukumantiyo dawladeed:

“Xeerka Ciqaabta Guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyey ciqaabta la marin karo qofka ama sarkaal dawladeed oo dukumantiyo dawladdu leedahay u soo saara si aan sax ahayn.”

 

 

Sidaa waxa lagu caddeeyey qodobka 366aad ee Xeerka Ciqaabta Guud oo ka hadlaya been-abuurka dokumanti dawladeed oo uu sameeyo sarkaal dawladeed, waxaannu dhigan yahay sidan; “Sarkaal dawladeed oo isagoo waajibaadkiisa ku gudo jira dokumanti dawladeed gebi ahaan ku been-abuura amma qayb ka mid ah been-abuur ka sameeya amma beddela dokumantigii saxda ahaa waxa lagu xukumayaa xukun ka bilaabma hal sanno ilaa 8 sannadood oo xabsi ah.”

 

Sidoo kale, qodobka 368aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, kana warrama in sarkaal dawladeed been-abuur ku sameeyo nuqullo dokumanti dawladeed amma gaar ahaaneed (Public or Private documents) waxa uu dhigayaa; “Sarkaal dawladeed oo isagoo waajibaadkiisa shaqo ku guda jira dokumanti dawladeed amma gaar ahaaneed dib u beddela, kadibna ka dhiga mid sharci ah amma wax-ka-beddel ku sameeya dokumantigii saxda ahaa waxa lagu xukumayaa xukun ka bilaabma hal sanno ilaa 6 sannadood.”

 

Xeerarka is khilaafsan ee ka soo baxa golayaasha qaranka, ayaa ceeb iyo fadeexad ku ah nidaamka dawladnimo ee ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo arrintaasi sababi karto inuu dalka ka abuurmo khilaaf sharci oo qoloba dhinaceeda u haysto nuqullo sharci oo ka soo baxay golayaasha qaranka, balse sida nidaamka dawladeed sheegayo, waxa waajib ah in markasta lagu dhaqmo xeerarka ku soo baxa faafinta rasmiga ah (Official Gazette).

 

Haseyeeshee, wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diwaangelinta Codbixiyeyaasha ee xeer Lr.37/2007 ee ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland waxa ku jira khalad weyn oo ka soo horjeeda xeerka Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen, madaxweyne Axmed Siilaanyo-na dhaqan-geliyey bishii December 2014.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY